Ciidammada Booliska Berbera Oo Xabsiga Dhigay Weriye Axmed Aadan Dheere Oo Ka Hawlgala Wargeyska Haatuf

Berbera-()- Ciidamma Booliska Berbera, ayaa maanta saldhiga u taxaabay Weriye Axmed Aadan Xirsi (Axmed-aadan dheere) oo ah Weriyaha Wargeyska Haatuf uga soo warama Gobolka Saaxil
Ciidammada Booliska, ayaa weriyaha xidhay xilli duhurkii maanta ah oo uu ku gudo-jiray hawlmaalmeedkiisa shaqo, waxaanay bileysku tuseen warqad waaran qabasho ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Berbera Xamse
Ma jiro war rasmiya oo lala xidhiidhinayo xadhiga Weriye Axmed Aadan Dheere, haseyeeshee waxa wararku sheegayaan in waaranka qabashada ee loo keenay weriyaha uu nuxurkeedu ahaa ammar ciidanka booliska lagu siiyay inay qabtaan oo saldhiga ku hayaan Weriye Axmed Aadan Dheere inta ammar danbe ka soo baxay, taasoo aan lagu xusin cid uu dembi ka galay iyo cid ka dacwoonaysaa toona.
Weriye Axmed Aadan Dheere, ayaa haatan ku xidhan saldhiga Xaafadda Wadajir ee magaalada Berbera, iyadoo aan la garanayn cid uu u xidhanyahay iyo cid uu dembi ka galayntoona.
Dadweynaha Reer Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil ayaa inta baddan cabashooyin ka muujiya dhibaatooyin iyo tacadiyo sharci darro ah oo ka taagan garsoorka iyo maxkamadaha gobolka Saaxil oo caan ku ahaa inay sharciga ummadda u dhexeeyay ugu adeegaan masuulliyiintii xukuumaddii hore oo ay laaluush ka qaadan jireen, haseyeeshee la filayay in Xukuumadda cusub wax ka qabato dhibaatooyinka cadaallada daro, balse ay weli sii socdaan dhaqannadii ay hore caanka ugu ahaayeen.