Madaxweyne Silaany Oo Shacabka Somaliland Ugu Baaqay Inay Dareenkooda Ku Muujiyaan Rabitaanka Aqoonsi Ay Caalamka Ka Helaan

Hargeysa(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay meelkasta oo ay joogaan inay isu soo baxyo nabadgelyo ku dheehantahay ku muujiyaan maalinta madaxbannaanida ee 18ka May.
Madaxweynaha Somaliland oo maanta Saxaafada ugu waramayay xarunta madaxtooyada, waxa uu sheegay in dabaal dega labaatan guurada qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka bishan May ay Somaliland caalamka u bandhigi doonto rabitaankooda waxaanu yidhi “ILAAHAY mahadii ha ka gaadhee waxa inagu soo fool leh sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18-kii May. Somaliland iyo dadkeeduba waxay doorteen inay si mug leh caalamka ugu soo bandhigaan rabitaankooda isla markaana dhawaaq sare ugu sheegaan waxay ka rabaan oo ah Ictiraaf.”
Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan ummadda reer Somaliland guddo iyo dibadba ugu baaqayaa inay maalinta 18-ka May halka ay joogaanba isu soo baxyo nidaamsan oo nabad ah inay sameeyaan iyagoo muujinaya dareenkooda isla markaana ay soo qaataan astaanta qaranka oo ah calanka Somaliland aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin.”
“ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu guusha ina gaadhsiiyo ummadda reer Somaliland ee intaasi u soo halgamaysay madaxbanaanidooda, halganka dheerna u soo gashay waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inay Somaliland hesho Ictiraafka , waxaynu leenahay meel aynu joognaba aynu isku soo baxno oo aynu muujino dareenkeena, rabitaankeena iyo waxaynu u soo halganay aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu dadweynaha Somaliland ugu mahad celiyay dedaalka iyo kaalinta gudo iyo dibadba ay ka geysteen madax banaanida qaranimada Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa inagu soo fool leh labaatan sano guuradii markii aynu la soo noqonay madaxbanaanideena mudadaasi aynu soo halgamaynay dadweynaha Somaliland dedaal faro badan ayay ka geysteen gudo iyo dibadba inay xaqiijiyaan rabitaankooda maanta waxaynu doonaynaa inay ina ictiraafto gudo iyo dibadba waxa loo baahan yahay inaynu dareenkeena ugu muujino caalamka si farshaxannimo leh inaynu u dhan nahay.waxaan ummadda reer Somaliland u rajaynayaa guul iyo inuu dagaalkaasi noqdo mid laga wada qeyb qaato.”
 
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland