XUSUUSQORKA MAANTA NASIIBKII MAXBUUSKA Qalinkii CALI-MAHAD YUUSUF.

Xiligu waa Dabayaaqadii Bishii Ogos ee Sanadkii 1988 Waa Bilihii uu ka socday Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa Dagaalkii u dhexeeyay Ururka SNM iyo Ciidamadii Madaxweyne Siyaad Barre, Madasha aanu waayahaas ku sugnayn oo ahayd Muqdisho, labada qof ee isu timaadaa waxay is weydiinayeen War iyo wacaal wixii kasoo yeedhay Dagaaladaa. Jawiga guudna wuxuu ahaa mid qof walba dhegtu taagan tahay, waxaase ayaamahaas Kaalandarka Taariikhda kusoo kordhay War cusub Waa Maxaabiistii Dagaalkii 1977 ee Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay kala haysteen oo Bishaas lays weydaarsaday, Dhinaca Soomaaliya waxay gacanta ku haysay in ka badan ilaa 3000 (Saddex Kun) oo Maxbuus, oo u badnaa Askartii Dagaalamaysay, Xagga Itoobiyana 294 Maxbuus oo Soomaali ah ayaa Jeelasha Itoobiya laga soo daayay.

Waxaan aad u xusuustaa Muuqaalo laga baahiyay Telefishinkii Somaliya Maxaabiistaas markii ay kasoo degeen Airportka Muqdisho oo Kumanaan qof ay Xaadir ku ahaayeen, dhamaantoodna ay Ilmadu ka dareeraysay, Waxay dhunkadeen Dhulka halka qaarkoodna Sujuud la dhaceen. Balse markii ay soo dhamaaday qaabilaadii iyo soo dhoweyntii Dowladii xiligaa jirtay u samaysay, qof walibana Rugtii iyo halkii uu qoyskiisa ku ogaa u tegay, waxaa loo dhiibay xogta iyo xaqiiqda dhabta ah ee Dalka ka jirta.
Maxamed Cabdi Maxamed oo kamid ahaa Maxaabiistaasi ayaamahaasna aanu kulanay Hudheel ay lahaayeen Kooxdii Isboortiga Dowladsa Hoose ee MUQDISHO oo ku yaalay Degmada Wardhiigley, ayaa iiga sheekeeyay, Xiisaha iyo Boholyowgii ku taagnaa 11 Sanadood oo ay ku xidhnaayeen Jeelasha Itoobiya, iyo Hilowgii Ciida Hooyo, intii aan ku xidhnaa Jeelkii Madoobaa waxaan daqiiqad walba is weydiin jiray Nasiib ma u heli doonta inaad si xor ah Dhulkii Hooyo Indhaha u saari doonto? mar walbana Alaha Raxmaanka ah waxaan ka barji jirey inuu Hamigaas ii rumeeyo, Alxamdulilaah ilaah baa mahad lehe waynagaa maantaba wada joogna. Waxaanu Mr Maxamed Sheegay inuu isagoo Caafimaad qaba kasoo baxay Jeelkii Itoobiya, marwalbana waxaan akhrisan jiray Quraanka, xitaa maalin maan xanuunsan, Markii aanu soo baxay Dharkii nalaga bedelay, wax walbana siday ahaayeen si ka duwan laga dhigay mudaan u haystay inaan Riyoonayo Farxad daraadeed, Laakiin maanta markaan runta kuu sheego waxa Soomaaliya ka taagan iyo xaalada aan halkan ugu imi warkeeda Xanuun qalbiga igaga dhacay ayaan ka qaaday keligayna maahee Dadkayagii Meeshaa ku xidhnaa si aanu nahay ma garanayno. Soomaali mid ah oo walaalo ah baanu u Dagaalanay, Calankana waxaanu ka taagnay dhulkii uu Cadowgu Inaga haystay Magaca Soomaalina waxaanu ka dhignay wax Cadawgu ka baqo. laakiin maanta waxaanu Nimi Dalkii oo rogmaday oo Magaalooyin dhan la baa’biyey shisheeyena inagamuu dumine, Soomaali uunbaa waxaas samaysay, Inkastoo markuu sheekada halkaa marinaayey indhihiisa ay kasoo dareertay Ilmo dareenkiisa iyo codkiisuna si aan caadi ahayn isu bedelay, Sheekadayadii Ayaantaas halkaa may dhaafin…. Balse dhowr maalmood kadib oo aanu is aragnay ayaa Asxaab kale dhalinyaro ahi wax ka weydiiyeen sidii loo qabtay Runtii si degan ayuu uga warbixiye Qaabkii uu ugu gacan galay Ciidanka Itoobiya.

Isagoo arintaa sharaxayana waxa uu tilmaamay in Ciidankoodu ka dagaal galay Aaga u dhexeeya Jigjiga iyo Herer, oo aanu si fiican u qabsanay, Laakiin waxa belaayo nagu dhacday maalin aanu u gurmanay Ciidan kale oo meel naga fog Xabashidu ku weerartay intii aanu sii soconay ayaanu Jid goyn meel dhexe naloo dhigay afka uga galnay, oo dagaal qadhaadhi na dhex maray, aakhirkiina waanu jebinay, Laakiin Aniga iyo Laba Askari oo kale ayaa asqownay oo dhinacii Cadawgu xigay u baxnay, Subaxdaana ceeryaamo dhulka jiq ku ahayd, goor dambe oo aanu is ogaanay inaanu lunay ayaanu isku daynay inaanu dib u noqono, Laakiin Rasaasbaa sida baraha Roobka nalagaga dhigay, xaalkuna wuxuu noqday inaanu beerka dhigno oo ilaa xabadu naga dhamaado aanu is difaacno, Aakhirkiina iyadoo Sadexdayadiiba aanu dhaawac nahay ayaa nala qabtay, Ninbaase dhaawacii ku dhintay, intii ay nasii wadeen Xabashidu iyadoo Baabuur weyn nala saaray ayaa Ciidankayagiina Madaafiic dabada usoo qabtay, oo xitaa Gawaadhidii kale ee Nala socday qaarkood la gubay. Maxamed Cabdi Maxamed oo ah Maxbuuska dhacdadan ka waramay waxa uu carabka ku dhuftay inay jireen Ciidan Dowladii Soomaaliya ku sheegtay Jabhadaha Gobanimodoonka Somali Galbeed oo ahaa Maleeshiyooyin ka barbar dagaalama Ciidanka Meleteriga. waxaa ka buuxay basaasiin badan oo Cadawga aanu dagaalamayno si qarsoodi ah ugu xidhan, tusaalena wuxuu usoo qaaday, markii la geeyay xeradii ugu horeysay ee ciidanka
Xabashidu waxaa I waraystay Nin Bilo ka hor Ciidankayaga la joogi jiray oo Jabhadahaana wax ka ahaa. Maxamed Cabdi oo Marxaladihii Askarnimo iyo Noloshii Maxbuuska ka dib xiliyadii xigay u badnaa dhinaca Ganacsiga, wuxuu warkiisa kusoo ururiyey Inuu yahay 38 Jir Nasiibku u dhiibay 11 Sano oo Xadhig ah, iyo waayo midiba ta kale kasii yaab badan tahay.