Qaranimooy, Maxaad naga sugaysaa?

W/Q: Xuseen Cali Nuur

Waxa aan ahay qaran madaxbanaan oo Ilaaaha wayn talo saarta, isku tashada, anigoo aan helin taageero caalami ah wax qabsada; shacbigayguna iga badbaadiyeen jaha-wareerka maanta dunida haysta.

Waxaan ahay Qaran hab dhaqan iyo himilada uu leeyahay ay sabab u yihiin nabadda iyo tixgalinta aan ka haysto dunida. Hase ahaatee cadowgu midab kasta oo uu leeyahay uu ii quudhi la’yahay.

Bani’aadamku waa noole aan marnaba laga fili karin mid dhinac kasta ka ahaado mid dhammaystiran. Sidaa darteed waxaan xilligan shacbigayga ka sugayaa, kana filayaa inuu iga dhawro wax kasta oo wax u dhimmaya Qaranimadayda.
Waxaan ka filayaa muwaadiniintayda jiritaankayga ku xidhan inay xoojiyaan dhidibadaydana adkeeyaan iska mar ahaantaana qaab dhaqankoodii halgan iyo 30 kii sanno ee ka dambeeyay xejistaan.

Waxaan ka sugayaa inay iska dhawraan, kana fogaadaan is xag xagashada iyo khilaafyada  aan u arkayo inay dalal la aqoonsan yahay oo Dalka Suudaan ugu dambeeyo ayaan darada maanta haysta.

Waxaan filayaa in qof kasta oo jecel ama danaynaya jiritaankayga inuu yeesho maskax furan oo uu ku kala garan karo wixii waxtar ii leh iyo waxa i burburinaya qaranimadayda.

Waxaan filayaa in daawadu tahay Aqoon kaashatay dhaqan caafimaad qaba. Iska mar ahaantaana  aragtida iyo ficilka fayow guud ahaan shacbigayga u gudbiya kuna hoggaamiya.

Aqoonta iyo dhaqankaa oo ku dhisan dhawrsanaan  lagu ilaaliyo xornimaday iyo mnidimada shacbigayga. Iska mar ahaantaana lagaga fogaanayo hadalada iyo ficilada kicinaya shacbiga ; kuna abuuraya qalalaaso iyo qas aan dan ii ahayn shacbigaygana halaagayaga.

Aqoonta iyo Dhawrsanaantaa oo ku salaysan IIMAAN, ALLEE KA CABSI U TUDHIS SHACBI IYO DHAQAN WANAAGSAN IYO XISHOOD.

Kuwaas oo  isla mar ahaanta ka fogaynaysa baahiyaha adduun ee kala duwan inay ku hodmaan kuwa ku shaqaynaya. Isla mar ahaantaana seejinaya nimcada adduun aakhiro seegna u horseedaya, Qaranimadaydana u gaysan kara dhaawac aanay marna ka soo kaban karin.

Waxay Diinteenu ina baraysaa in dhaqanka ama akhlaaqda wanaagsani ay tahay Aakhiro kuwa ugu miisaan culus, waxa kale oo ay ina baraysaa in jannada lagu geli karo  Nabigeen ( NNKHA) loogu dhawaanayo.

Waxaan leeyahay runta iyo xumuhu labaduba way is dhalaan oo midba dhinac ayuu u koraa, waxaanay qofka u horseedaan janno ama cadaab.

Sharcibaa noo yaal iyo dhaqan soo jireen ah oo lagu soo dhaqmayey oo ay Qaranimadaydu ku dhisan tahay ee yaan la iska indho-tirin.

Waxaa noogu filan dhaqan qalaadyada la adeegsanayo ee caadifadda shacbiga lagu kicinayo dhibaatada ay Laascaanood u gaysteen. Badbaadaadayda Qaranimo waxay ku jirtaa Dhaqan qalaad oo laga guuro oo keena suuban la raaco