HORTU YAA KU DAGAALAMAYA LAASCAANOOD?

Marar badan ayaa maamulka Somaliland sheegaa in Laascaanood cadow Somaliland ka baxsani ku soo duuleen. Bal aan yara rog-rorgno sida wax uga jiraan arrintaas, inagoo iska weydiinayna su’aalo. Dabeetana caqliga la kaashano.

• Ma waxa Laascaanood ku dagaalamaya Harti (aan Dhulbahante ku jirin) iyo ciidamada SL? Haddii Dhulbahante aysan ka raali ahayn, ciidan beeleed kale ma joogi kareen Laascaanood. Kolkaa jawaabtu waa MAYA.

• Ma waxa ku dagaalamaya  Dhulbahante iyo Harti u soo gurmaday oo dhinac ah iyo Ciidamada SL oo dhinac ah? Way noqon kartaa, laakiin dagaal xulafo iyo hiil kama maarmo. Dhulbahanate dawlad maaha ee waa reer, tolkoodna waa Harti. Xaq bay u leeyihiin inay tolkood hiil ka dalbadaan. Ilaah baa siiyey. Ogow se bandiiradda la sitaa waa calanka Dhulbahante.

• Ma waxa  ku dagaalamaya ciidamada rasmiga ah ee maamulka Puntland iyo  maamulka SL? Puntaland (PL) kama dagaalami karteen Laascaanood, muddo 3 bilood ah, iyada oo Dhulbahante iyo ciidamada SL isku dhinac yihiin. Hore ayey taasi u dhici lahayd, hadday PL awooddaa leedahay. Kolkaa Jawaabta su’aashaasina waa MAYA.

• Ma waxa ku dagaalamaya Laascaanood reerka Dhulbahante iyo ciidamada Somaliland (SL)? kol hadday garaadada Dhulbahante hayaan hoggaanka dagaalka, jawaabta waa HAA.

Dhulka ayaan doonayaa Dhulbahante-na waan  la dagaalamayaa, bal caqligaa suureeya dad Allow. Dabcan SL waa maamul dadkiisii – Dhulbahante – dagaal kula jira. Dhulbahante goorma ayuu cadow noqdeen? Soomaali maaha miyaa! Muslin maaha miyaa! Ilaah ha ina soo hadeeyo idilkeen. Alloow colaadda naga qabooji.

Kolkaa, gebo-gabo ahaan, runtu waxay tahay in dagaalka Laascaanood  u dhexeeyo Dhulbahante iyo

 ciidamada Somaliland. Cadow ku soo duulay-na ma jiro. Xulafo iyo tol midna ha raadsan aan ku dilee, xaggee laga dheelaa caqligaa! Tol iska daayoo sheydaanka ayaa xulafo la bidaa xaaladaha qaar. Afxumo nabadna waa kaa geysaa, dirirna waxba kaagama tarto. Ereyga-san Eebbow na garansii. Caqliga saliimka ah ha loo noqdo.

Wa billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: maxamuudaxmed@live.com