Maayar, madaxweyne waad gaadhi doontaaye ha ka mashquulin shaqadii lagu doortay?

“Had iyo jeer waxaa dhacda marka uu ninka mas’uulka ahi mashquulo ama kursiga uu ku fadhiyo mid ka sareeyaa uu u muuqdo waxaa ka faa’iidaysta dadkii uu xilalka uu u magacaabay ceebtu-na isaga ayay ku soo noqotaa
Tusaale ahaan waxaa jirta waddo biyo mareen ah oo 15 meter ah oo dhinaca bari ka marta degmada axmed macallin haruun waana goobta ay biyaha buuraha macallin haaruun ka soo rogmadaa laagta kaga daraan maamulkii hore ee dawlada hoose ee hargeysa laba jeer ayay ka dumiyeen dhismayaal laga bineeyay goobtaas
Labada jeer mar ka mid ahi waxay ahayd 04/04/2017-kii dhismahaas waxaa dumiyay ragii fulinayay-na xabsiga dhigay xog-hayihii fulinta dawlada hoose ee hargeysa ee xilligaas mawliid (qaro) goob-ta dhismahaa laga fulinayay-na waa halka biyaha ka soo rogmada buuraha macallin haruun ay kaga daraan laagta jihada waqooyi ama qiblada ka marta masjidka tabliiqiga ama kulanka islaamka
Marka labaad-na waxay ahayd 17/09/2019-kii waxaana dhismahaa dumiyay xog-hayihii fulinta dawlada hoose ee hargeysa ee xilligaas axamed yoonis ( juxa ) waxaanu xog-hayuhu isla maalintaa shaqo ka joojin ku sameeyay gudoomiyihii hore ee demada axmed macallin haaruun maxamed geel-jire oo isagu ahaa masuulkii dhismaha u fasaxay biyo-mareenka 15-ka meter ah waxaana xusid mudan xog-hayihii hare ee axmed yoonis ( juxa) uu maanta ka tirsan-yahay golaha deegaanka ee hargeysa ee hadda fadhiya
Hadaba mudane maayir waxaan kuu sheegayaa in gudoomiyaha degmada axmed macalin haaruun ee hadda xilka haya uu rabo qorshe hor-leh oo waddadii biyo mareenka ahayd ee 15-ka meter ahayd ee ay maamulkii hore labada jeer dhismaha ka dumiyeen dib loogu dhisayo
Si uu gudoomiyaha degmadu dhismahaa u fuliyana tallaabadii koowaad ee uu qaaday waxay ahayd in uu diiday in uu wadada baneeyo si ay biyuhu laagta ugaga dhacaan halkii loogu talo galay markii aan muddo dhawr bilood ah anigu aan ku soo noq-noqday ee uu waxba ka qaban waayay xilligii roobka-na la gaadhay
Waxaan go’aansaday in aan kuu Imaado maalinta aad dad-waynaha la kulanto waxaan imid dawlada hoose ee hargeysa 22/02/2023-kii iyada oo ay goobta fadhiyaan dhaamaan gudoomiyayaasha degmooyinka iyo dad-wayne tiro badan maalintaas waxaan la kulmay xog-hayaga fulinta dawlada hoose ee hargeysa mr siciid waxaanan u dhiibay fayl wadadaas biyo mareenka ah ka hadlaya iyo qoraal uu biyo maeerkaa 15-ka meter ah ka qoray agaasimaha dhulka ee hadda jooga mr mursal goobtana fadhiyay iyo agaasimihii dhulka ee ka horeeyay c/salaan gacan-jilib waxaanu xog-hayuhu ii sheegay in hawshaa la dhamaynayo
Halkaa markii ay maraysay 17/03/2023-ka waxaa da’ay roob wayn gudoomiyaha macallin haaruun maalintaas wuxuu fuliyay qorshihii uu mudada sugayay oo ahaa in ololihii biyo banaynta uu dhax raaciyo oo uu dalbaday laba cagaf iyo gireedhar ay dawlada hoose ee hargeysa leedahay isagoo iska indho tiray wadadii uu banayn lahaa
Waxaanu gudoomiyuhu hawl-galkii ku fuliyay dhul uu sharcigiisu dhamays-tiran yahay oo aan waddo ahayn xataa foomkii jeexis-tu ku xidhan-yahay dawlada hoose-na ay ka qaadato dhulkaas cashuurta ku waajibtay oo waliba uu ogyahay oo aan tusay faylka oo dhamays-tiran oo aan doonaayay hadda in aan dhiso iyada oo ujeedada uu ka leeyahay ay tahay in biyo-mareenkii 15-ka meter ahaa uu biyaha ka duwo si uu biyo mareenkaasi uu dhisme hir-gala u noqdo
Hadaba mudane meyar waxaan kaa codsanayaa saddex-da qodob ee kala ah
1. In sida ugu dhakhsaha badan biyuhu halka ay leeyihiin oo ah wadadaa 15-ka meter ah in loo furo
2. In khasaaraha badheedhka ah ee uu gudoomiyaha degmada axmed macallin haruun oo magaciisa la yidhaahdo c/raxmaan uu u gaystay dhulkayga ay dawlada hoose ee hargeysa dib u hagaajiso maadaama astaanta ama loogada uu sitay iyo qalabka uu wax-yeelada ku gays-tayba ay ahaayeen kuwii dawlada hoose ee hargeysa
3. Waxaad ka taxadir-taa in mas’uulka ugu sareeya degmadu aanu u gacan-galin kooxdan isku xidhan ee caadays-tay in ay dhismayaal ka fushadaan wadooyinka iyo biyo mareenada iyaga oo mar walba xooga saaraya in gudoomiyaha degmada macallin haaruun loo soo magacaabo ay ka dhigtaan tuul iyagu ay ku shaqaystaan waxaana xusid mudan in aan xaafada meel kale lagaga soo duulin ee raga hawshan wadaa ay yihiin raga ay dawlada hoose kala hadasho danaha degmada iyo horu-markeeda waxaan xasuustay maah-maahdii soomaaliyeed ee ahayd ( gudin-yahay imaad goyseen haddaan badhkay kugu jirin )
Allaa mahad leh
Cabdirisaaq suudi nuur
Tel. 063-4425243
Hargeysa/somaliland”

W/Q: Cabdirisaaq Suudi Nuur