‘GALA!..’ – Waxa Qoray Muuse Jaambiir

‘Gala Dagaalka’: Nin baa yidhi. Derajo iyo nin sida’ oo aan laga filayn ayaa yidhi. Erey iyo derejo aan saami isu lahayn ayaa ku heshiiyay inay is yeeshaan.

Maya, erey iyo nin is leh u daa’, derejiyo nin is lehna su’aal ha gelin. Waabay ku jirtaaye, ma laga saari karaa? Ficilka iyo derejada fashay ayaa dood abuurka leh, oo iswaydiinta sababay.

Sidaa darteed, kas iyo u kas muraad kelifay, midkay ka tahayba dedanta ka garniqi mayno, balse waxa muuqata labo aan is lahayni inay is ahaansho ku hawlgaleen. Duco umay baahanba, oo Alle waa isu sakhiray, noloshii ay maalintaa u yimaadeen ee dadka u jirtayna sidaasay ku galaafteen.

‘Gala dagaalka’: Nin waa yidhi, nin kale na waa ku raacay. Ka ku raacay iyo ka yidhi, waa kala muraad isku muraad ah. Kaasi wuu yidhi ayaa kana ganacsi u noqday. Nin aan kii nabada wax ku lahayn, ayaa fursad ka helay sharka oo ganacsi shaydaan  bilaabay.

Diradire, dabkuu bakhtiga ka ilaalinayaa, kolba dogobyo waawayn ayuu ku noolaynayaa. Been lacag dhalaysa ayuu meherad u furtay.Intay noloshu iska naarto oo dhan ayaa u gadasho qaaliyoowday, oo uu beeso ka dhurayaa. Isticmaalkii ereyga ‘gala’ kor buu u kacay. Meel gale fiican oo dhankii xayaysiiska loola kacay ayuu noqday.

Gala Hudheelka’: Nin baa yidhi. Intuu is hortaagay hudheelkiisii ayuu kor ugu dhawaaqay; “Gala hudheelka”. Kumuu khasaarin oo ereyga horgalaha ah ayaa maqalkiisu maanka dadka ku dhegenaa, awoodda ugu wayn ee dhankiisa u jiidaysayna waa adeegsiga ereyga.

Kii dhawaaqiisa maqlaaba, intuu xusuusto ‘gala dagaalka’, ayuu ku weecdaa ama dhaafaa isagoo ku dhawaaqaya ‘gala hudheelka’. Sidaasay erey iyo nin lihi isku qaateen, isku qaabileen, wax isugu tareen, nololna ugu baaqeen.

‘Gala Xinaha’: Gabadh baa tidhi. Xayaysiisyo badan oo ay hore ugu samaysay meheradeeda, waxa uga qaneecaad batay ‘gala’ oo ay la bahaysay ‘xinaha’.

Iyadoo boodhka koofeerkeeda farta ku fiiqaysa, oo ku dhawaaqaysa ‘gala xinaha’ ayay mobilkeeda gacanta iskaga duubtay oo baraha bulshada ku faafisay. Sidaana waxay maalmihii ciidka ku kasbatay macmiil badan.

‘Gala masaajidka’: Ehulu taqwaa yidhi. Waa mid ka mid ah dadka ilaahay u diray is farista wanaagga. Wuxuu hor taagnaa masaajid, waqtigii salaada taagnaa, waxa la dhawrayay eedaankii, intaasuu dadka agagaarka marayay xusuusinayay.

‘Gala masaajidka’ inkastoo ficilkiisu amar faris yahay, haddana, dadku sidaa umay dhaadayn, ee waxa dhoolahooda dibnaha ka faydayay xiisaha hal bedelka uu ku sameeyay ‘gala dagaalka’ iyo qaabkuu cod ahaan iyo bidhaan ahaanba u jilayay gudbinta. Waa suure, qaar badan oo aan wacdi kale oo intaa ka dheeri soleen, in ereygaasi u nimceeyay oo uu lugtiisii maalintaa u duway hoyga Eebbe.

Nin iyo dantii, adeegsiga horgalaha ‘gala’, intaa kuma koobna. Qofba tiisuu ku tolay oo ku muujiyay, wadaagna way ku yihiin horgalaha,, laakiin raacayaasha(Ereyga labaad) waa mid iyo gaarkii. Kala hidde iyo isku hidde midba dhalashada in baa ku raacda.

‘Ehelu naar/Ehelu janno’: Waa erey kale oo hadalhayntiisu socoto. Nin baa yidhi, looma odhan ee wuu yidhi, umuu odhanin ee wuu ka yidhi. Xukun buu riday, dad buu u qaybiyay,  janniyo iyo naar. Mid aan aadame awooddiisa ahayn oo Alle leeyahay ayaa uga dhacday sidii mid uu  leeyahay. Ilaahay baa janno iyo naarba leh,  oo qofba camalkiisa adduunyo ku xukumaya maalinta qiyaame.

Qof suurayn kara ereygu halkuu ka soo go’ay iyo intuu xushan yahay qofka yidhi iyo mid aan fiiradaa lahayn, labadu saska dhegta way wadaagaan markan oo kale.

Lixdaa tusaale; dhalasho may bahayne, ficilka ereygaa qaybinaya, marna isticmaalkiisaa, oo kolba intii wadaage leh isu geynaya. Marka koowaad; shanta hore waxa walaaleeya isticmaalka horgalaha ‘gala’.

Mar labaad, waxa isku bah ka yeelay aqbalka Eebbe, oo mid kastaaba wuxuu ka baryay, Alle waa ka aqbalay. Dagaalkii waa la galay, weli na waa socdaa, kii sharka ka ganacsanayay suuqiisii baraha bulshadu waa xaami, hudheelkii waa la galay, koofeerkii waa la galay, masaajidkuna sidoo kale waa camiran yahay. Midna waa bah gooniyoo, janniyo naar, carrab aadame ma qaybiyo, Mar kale, waa mijiyo madax.

Laba duubkaa baheeya, midna cumaamaddaa raacisay, saddexdaa derejaa wadaajisa(mid diimeed iyo mid dhaqan), saddexda kale na ganacsi baa xidhiidhiya.

Mar kale, ku muraadsiga ereygu saddexba dhan buu tirsiimada isu raacinayaa. Warsigu na waa faa’iido iyo khasaare, midba kiisu kuu ku soorayo nolosha adduunyo iyo ta aakhiro ee ta ifka xisaabin doonta.

Hadal iyo dhammaan, intani kuma filna is ahaanshaha iyo kala ahaanshaha danta iyo ereyga. Sidoo kale, intani ma kefayso islahaanshaha ereyga iyo qofka, balse waa bidhaan tusmaynaysa iswaydaarka dhaqan hadalka maanta.

Muuse Jaambiir.