Cimraan Khaan :Saaxiibka Ruushka iyo Shiinaha ahna Cadawga Maraykanka

Magaciisa oo buuxa waa Imran Akramullah Khan   wuxuu dhashay 5 October 1952 wuxuu kasoo jeedaa qoys xagga nolosha ah dabaqada dhexe ,waxaanu kasoo jeedaa Magaalada Laahoor ee Caasimada Gobolka Punjab oo ah Gobolka 2-aad ee ugu weyn dalka Pakistan.

Qabiil ahaan wuxuu udhashay Qabiilka Niyaazi Sharmaan ee Bashtuuga ,waana Qabiilada ugu waaweyn Pakistan iyo Af-gaanistaan qoyskooda waa madi wuxuu la dhashay 4 Hablood wiil kaligii ayaa ka ah.

Imraan Khaan billowgii noloshiisa wuxuu bilaamay inuu Ciyaaro ciyaaraha Cricket-ka
oo uu ilaa yaraantiisii jeclaa,wuxuu noqday Laacib Caalami ah iyo inuu shacbiyad ku yeesho Dalkiisa Pakistan oo uu Guullo usoo hooyey.ciyaarta cricket-ku waa ta loogu daawashada badan yahay Badhtamaha Aasiya dalkiisa wuxuu uqaaday koobka cricket-ka ee Aduunka.

Sanadkii 1995 wuxuu guursaday gabadh Wariye ah oo udhalatay dalka Britain oo lagu magacaabo Jamima Gold Semolina iyadoo udhashay laba Caruur a ,laakiin waxay kala tageen 2004 isagoo dhawr jeer oo danbana guursaday.

Markuu ciyaaraha ka fadhiistay wuxuu ku biiray Caalamka Siyaasada ,1996 wuxuu Aas-aasay Xisbiga Insaaf doorashadii Pakistan ka dhacday 1997 xitaa Xisbigiisu Kursi kaliya oo Barlamaan ma helin ,sanadkii 2000 wuxuu isbahaysi Siyaasadeed la gallay Xisbiga Madaxweyne Perves Musharaf , laakiin markiiba way isku dhaceen markii Madaxweynaha Pakistan Musharaf taageeray duulaankii Maraykanka ee Af-gaanistaan.

Xilligaa wixii ka danbeeyey Imran Khaan wuxuu noqday nin Maraykanka neceb doorashadii 2002 ee Pakistan, Xisbiga Insaaf ee Imraan Khaan wuxuu Barlamaanka ka helay 1 Kursi.

Wuxuu noqday Mucaarad weyn oo kasoo horjeeda Xukuumada Pakistan 2007 waxaa Khaan lagu soo rogay Xabsi Guri.doorashadii Barlamaan ee Pakistan ka dhacday 2013 Cimraan Khaan ,Xisbigiisu wuxuu helay 35 Kursi isagoo noqday Xisbiga 3-aad ee ugu kuraas badan Barlamaanka.

2014 wuxuu Hogaamiyey mudaharaad looga Soo horjeedo Xukuumadii Ra’iisal-wasaare Nuwaaz Shariif. isagoo lagu naanayso nin Shaarica ama ama Wadada ,2018 doorashadii Pakistan ka dhacday wuxuu noqday Ra’iisal-wasaaraha dalka Pakistan ,sida caadada u ah Pakistan, Xukuumadii Imraan Khaan ma dhamaysan mudadii sharciga ahayd waa la riday Xukuumadii Imraan Khaan, iyadoo lagu eedayey in dhicista Xukuumadiisa Maraykanku ka danbeeyey.

Sanadkii 1947 Pakistan waxay ka goosatay Hindiya dalka Pakistan oo ah Wadanka qudha ee Muslim ah ee haysta Hubka Nuclear -ka ma doonayaan inuu noqdo Wadan Siyaasad ahaan xasilloon , Pakistan waxaa taageera oo ay udhawdahay dalalka Bariga sida Ruushka iyo Shiinaha.

Imraan Khaan sababa loo riday Xukuumadiisa waxaa kamida wuxuu isbahaysi dhaw la noqday Ruushka iyo Maraykanka,dagaalkii Ukrain wuxuu toos ula saftay Madaxweynaha Ruushka Valadmir Putin .

Xilligan la joogo Shacbiyada Imraan Khaan ee uu Shacabka Pakistan ku leeyahay waa 70% tan iyo wixii ka danbeeyey isku daygii Dil ee fashilmay ee lagu doonayey in Imraan Khaan lagu khaarajiyo.

Waxa Qoray Cabdi Yasin Yool