Maxaabiista Puntland qiil lagu siidaayo looma hayo Abadiyan, hadaaney Qiraal sameyn.

Sababta oo ah, Dowlada puntland ayaa Cod dheer ku sheegtay in aanay qayb ka ahayn Dagaal ka laascanood,
–> 12 sarkaal oo Ethiopia utababartay Puntland ayaa 8 kamid ah 12kaa sarkaal kaga dhinteen Laascanood, 4tii Soo hadhayna maxbuus ahaan ayey gacanta somaliland ugu jiraan

-> Shuruuda ku xidhan siidaynta maxaabiistasi waa in maamulka puntland qirtaan oo aduunka ubayaamiyaan in ay kujireen oo qayb ka ahaayeen dagaal ka laascanood, taasi oo dhaxal siin doonta in aduunku ka aamin ka baxo maamulka puntland.
Puntland waxay kala dooran doonaan laba mid uun.
1) In ay iska ilawaan maxabiistaa oo sidaa ku aamusnadaan.
2) Inay qirtaan dagaalkaa si maxaabistooda ay uhelaan, kadibna aduunku Ka aamin ka baxo.

Waxa Qoray Mubarak Cabdilahi Mulac
Mbarck Ramsey