The Hague {ICC}:- Ma Soo Qaban-kartaa Madaxweyne Putin

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa soo saaray warqadd lagu soo xidhaayo madaweynaha dalka Ruushka oo ay sheegtay in looga shakisan-yahay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukrain,

Waxa jira dhawr arimood oo aan maxkamada ICC u suurto-gelinkarin inay soo qabato madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin waxana ugu muhiim-san saddexdan arimood:-

1-waxay awood u leedahay oo kaliya inay soo qabato eedaysanayaasha wadamada saxiixay heshiiska lagu dhisay maxkamadan oo loo yaqaano ”Rome Statute” dabcan Ruushku kama mid aha saxiixayaasha heshiiskan

2-Sharci ahaan heshiiska lagu galay maxkamada ICC qofka lagu tuhmo danbiyo dagaal lama soo eedayn-karo waarrana looma jari-karo hadii uu xilalka sare ee wadankaasi hayo, dabcan Putin waa madaxweynaha Ruushka.

3-ICC waxay ku tiirsan tahay wadamada caalamka si ay gacan uga geystaan soo qabashada iyo u wareejinta tuhmanayaasha xarunta maxkamadda ee Hague, Mana jiro dal Ruushka sidaasi ka yeeli-kara,

Arimahaasi iyo kuwo kale oo dublomaasiyadeed dartood ayaanay ICC ugu suurto-gelaynin inay soo qabato madaxweyne Putin,

Madaxweynihii ugu horeeyey ee maxkamadani waarran u jartay 2009-kii in isaga oo xilka haya la soo qabto wuxu ahaa madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir oo ay dhawr sano eryenaysay markii danbna ay u suurto-gashay.

Awdal History & International Diplomacy.