Dagaalka Laascaanood Wakhti Fiican ayuu Soomaalilaan ku soo beegmay

W/Q: Cali Cabdi Coomay
= Iyada oo Muqdisho aanay dagaalka qayb ka ahayn, ayaa fursad fiican u ah Soomaalilaan. Way adkaan lahayd iyada oo uu Farmaajo Muqdisho joogo inuu dagaalkani yimaado.
= Iyada oo dalka Soomaalilaan ay madaxweyne iyo wasiirka arrimaha guduhu yihiin niman dagaalka aqoon iyo waayo-aragnimo u ah, hadday noqoto jabhadeyn iyo dawlad dagaalamaysaba. Inta badan madaxda shicibka ah ee askarinimada aan soo mariyin ee dal madaxweyne ka noqdaa, waxa ay la-haystayaal u yihiin taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dagaalka haygaysa. Laakiin madaxweynaha askarinimo iyo dagaal soo maraa isagaa dagaalka toos u qorsheeya.
= Iyada oo 30-sanno jirsatay Soomaalilaan, oo ciidan iyo dhaqaale xooggan samaysatay, ayuu dagaalkani yimid. Haddii uu dagaalkani iman lahaa sagaashaamaadkii way adkaan lahayd in difaac sidan oo kale ah la heli lahaa, nasiib wanaag wakhtigeedii ayaa yimid.
= 35 sanno ka dib ( 2023-1988) wuxuu dagaal dhexmarayaa hadhaagii Faqashta iyo SNM oo madax ka ah Soomaalilaan, waan fursad inay weli jirto Faqash aan ka quusan taliskii Maxamed Siyaad Barre ee dhegta ay dhiiga u dareen SNM.