Sidee ciyaalkeena dagaalkan socda ugu sharraxnaa?

Soddon sano ka hor markey tariikhdu ahayd 1993 waxaanu ku jirnay kaam xaqootiya oo wadamada qurbaha ah. Waxaan jiray 10 sano oo kaamkana waxa ku jirnay sanad oo dadka ugu badnaa ee ku jirtay waxay u badnaayeen Somali iskugu jirta qolo iyo qabiil kasta.

Kaamkaasi aad bee ugu dadaleen nimankaa aanu u qaxnay iney ciyaalka nolol fiican ku siiyaan oo iloowsiiyaan dhibta soo mareen iyo nolosha adagee xaqootinimada.
Waxay u sameeyeen kaamka dhexdiisa school caadiya oo leh wixii qalab iyo buugaag ee schoolada wadankaas yaala, oo macalimiintii cadaana oo wadankaas ayaa wax noogu dhigi jirtay, waxanu leheen garoon kubada ku ciyaarno, meel tennis aanu ku ciyaarno, maktabad buugaagta ka qasdano, ila maaweelinta ciyaalka iyo dhalinyarada qof baa u qaabilsanaa oo marba program u sameyn jirnay.
In kastoo ciyaalka somalida markasta fowdo, buuq iyo isqabqabsi laga waayeenin, badanka isla maalinta ku xigta waanu heshiin jirnay oo iska iloowi jirnay, oo badanka meel farxad badan bay ahaud oo na iloowsiin jirtay dhibtii ka socotay wadanka kasoo wada qaxnay ee Somaaliya iyo nolosha xaqootinimo oo ah mid aanad ogeyn Meeshaad u socotid oo degi doontid iyo ina la helayo sharci in lagu qaabilay.

Farxadaas aanu ku jirnay, maalin kamid ah maalimaha ayay isbadashay. Maalintaas waan xasuustaa waxay ahayd biloowgii sanadka 1993, gabadh Somaliyad ah oo kaamka ku wada jirnay oo hooyaday isku dhawayeen ayaa aniga iyo walaashay oo dhex marayna kaamka ayay noo yeedhay aniga iyo walaashay. Marka aanu u tagtay ayay nagu tidhi “maanta, ma ogtihiin reer hebel iyo reer hebel iney dagaal galeen.? Toos umaanu fahmin warkan ay noo sheegayso oo wali markaa maanu baran qabiilada illaa kanua anagu nahay oo cidna namay barin. Markey aragtay in aanu fahmi weynnay ayay warka noo jilcisay, oo nagu tidhi ina “qoladii aabihiin iyo qoladii hoyadiin ayaa isdilay oo wa lagu wada baabay”. Markey sida u dhigtay ayaanu wax fahanay, oo naxdintii ay rabtay na gashay iyo oohin waana sidey rabtay iney naga nixiso oo la qeybsano dareenka galay iyada oo ahaa mid naxdin ah.

Aniga iyo walaashay oo ooyayna ayaanu hooyaday u orodnay, oo u sheegnay iney islaantii ‘Farxiya’ noo sheegtay “qolodii abaheen iyo hooyadeen isdileen”. Hooyo markey fahantay waxa naga nixiyay oo naga oohiyay ayay nagu tidhi, waa beenteed ‘Farxiya’ ha dhageysanina, weey waalantahay oo weey idin waalaysaa.
Hooyo ilaahay kheyr ha siiyo waligeed way naga ilaalin jirtay inaan kala barano qabiil, dagaal iyo dhibtii Somalida ka dhex taagneed, oo niyadayada iyo qalbiyaga saafiga ah ayay ka ilaalinisay ina mugdigii, khalkhalka iyo murugadii dagallada, qabyaladii iyo dhibatadii Somalida wada heysatay na gasho, oo na saamayso.
Kadib markey sida noogu sheegtay, waa farxay oo warkaas waa qaatay oo farintaa way igu socotay, oo naxdintii way iga saartay, oo waxaan u qaatay iney ‘Farxiya’ na waaliso oo farxadayada naga jiidhiso. Kadib cadho darteed ayaa ‘Farxiya’ maalintaa kadib u bixiyay ‘Farxiyaal Waal’, Ila maanta sodon sano kadib ‘Farxiya’ xidhiidh ayaanu leenahay, oo wali waxa xasuustaa iney farxadayada naga jiidhay maalintaas.

Waxa sheekadaa kusoo xasuustay 30 sano kadib, dagaalkan Lascanood oo aan isweydiiyay toloow sida ciyaalka Somaliyeed maanta wax ugu sheegnaa, sida ciyaalka jooga Lascanood, kuwa maanta xafadoodi ka qaxay iyo kuwa qolada abahood iyo hoyadood dagaalka ku jiraan ugu sheegi lajayn ama wax ugu sharxi lahayn. Ma runta ayaa u sheegnaa oo galin karta naxdin, murugo iyo cuqdad sidii ‘Farxiyaa waal’ noo galisay, mise waa dafirnaa oo wa ka qarinaa sidey hooyadeey barigaa sameysay. Inkastoo maanta ciyaal waxba laga qarin kareyn oo baraha bulshada (social media) warkasta, been iyo waali kasta xagaa ka helaan oo anagu nasiib wanaag ka magan galnay 30 sano ka hor.  Toloow sidee ciyaalkeena maanta wax ugu sheegnaa oo dagaalkan socda ugu sharaxnaa?

Uma maleyniyo ina dagaalkan maanta socda ciyaalka loo sharaxi karo iyo wuxu ku saabsan yahayba, iyada oo farxadooda ciyaalnimo laga jiidheynin oo qalbigooda saafiga wax la yeeleynin. Waana nasiib daro ina 40 sano kadib iyo intaas oo jiilal dhibtey so mareen, in maanta waxba aynaan ka baran tariikhda hore nasoo martay oo wali jiilasha cusub xaalkoodi, farxadoodi iyo mustaqbalkoodi aanu burbur ku heyno.

Jamac Abdi ‘Faahiye’