Iska Hubiya Aakhirana Waa Lama Huraantiiye “Waxa Qoray Yuusuf Dool.

Daarood iyo Isaaq Waa Laba Reer Oo Walaalo ah Oo Dhaqan iyo Dhalashaba ay ka Dhaxayso Oo Meel walba is dhex jooga Oo Aan Sinaba U Kala Maqnaan karin. Inta ay istaan iyo inta ay isyeelaan Waxaa Badan inta ay istaraan. Inta ay  isku Khilaafaanyihiin iyo inta ay isla Ogolyihiin Waxaa Badan inta ay isla Ogolyihiin dhinac kasta oo Laga Eego.

Markaa Maxaa Lagu Keenay Magaalooyin isaaq ayaa Dad Lagu Laynayaa Ama Magaalooyin Daarood ayaa dad Lagu Laynayaa iyada oo Qabiil Loo Aanaynaayo ?

Sidee Ayaa Loogu Hamiyey in La yidhaa Daarood ayaa Hargaysa iyo Burco isaaq ku Laynayaa Sidee Loogu Hamiyey in Layidhaa Garoowe iyo Gaalkacayo ayaa isaaq Lagu Laynayaa. Yaa Daarood kale Hargaysa.Burco iyo Boorame Oo Wax U sheegan kara Sidee se Qof Daarood ahi U Rumaysan karaa Ama Mid isaaq ahi u Rumaysan karaa Wararka Munaafaqiinta Iyo Shar-wadayaasha Baraha Bulshada Oo uu uga Guuri karaa Magaaloyinkaa

Wararka Adeegayaasha Shadaadiinta Maaha in La Rumaysto Daarood iyo isaaq Dhaqankooda Maaha Diintooda Maaha Waxaasi Iyo Wax u Eegtoona. Qabiilo ka mida isaaq iyo Daarood Ilaa Xaawiyo Aaden Dagaal iyo Nabadiba way soo Dhex maraysay Balse Somalidu Waxay Leedahay Biri-Ma -gaydo Ay Xaaraantahay in La Taabto Qof aan Dagaal ku jirin Daarood iyo isaaqna Somalida ayey kala midyihiin Wax kale iska daaye kuwa dagaalamaya Ee Nolosha Lagu Qabto Ayaa La sii Daayaa inta Xaqul safar iyo Anbabax La siiyo Markaa sidee ayey ku Dhici kartaa in Dad Magaalo Jooga oo Dagan Cidi Xagooda Eegto

Wararka Munaafiqiinta Waa in Layska hubsadaa oo Aan Loo Dhagtaagin Ama La Rumaysan Dad Dhaqan iyo Diinle ayeynu Nahaye

Laascaanood Dagaalka ka socdaa Maaha isaaq iyo Daarood Mana Noqon karo Waa shacab umada Somaliland ka mida iyo Dawladoodii oo Tabasho Dextaalo Waana Arin Dunida oo dhan ka dhacda Kana dhici doonta Markaa Isaaq iyo Daarood wax khuseeya maaha

Waxa Qoray Yuusuf Dool
Hargeysa Somaland