Jidka Berbera corridor Fursadaha iyo caqabadaha u wato W/Q: Mohamed Aden Hassan.

Dawladda  Somaliland ayaa sannadkii 2016-kii qalinka ku duugtay heshiis 30-sano ah oo ay la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Isbadalka marinka Berbera oo noqday xudunta dhaqaale ee Somaliland ayaa lagu tilmaamaa mid wax ka bedeshay dhaqaalaha dalka ee ku salaysan xoolaha nool iyo  xawaaladaha dalka ka shaqeeya.
Dhismaha Waddada Berbera Corridor ayaa qayb ka ahayd heshiis qandaraas oo ay wada galeen dawladda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo shirkadda ay iyadu leedahay ee Dubai Ports World.
Hirgelinta jidka Berbera corridor waxaa iska kaashanaya dawladaha Somaliland , Itoobiya, Ingiriiska, Imaaraadka Carabta iyo shirkaddo kale hadda waxa u kusii siqayaa dhamaad oo in muddo ah waa socday mashruucan balaadhani.
dhismaha jidkan Berbera corridor waxa uu muhiim u yahay badeecadaha ka soo degayadda dekadda Berbera. Sidoo kale waxa uu faa’iido u leedahay mashruucani in gobolku uu horumar ku tallaabsaday kaas oo u wax badan ka badali doono oo keeni doona horumar wayn oo baaxad leh shaqo abuur iyo curinta ganacsiyo cusub oo hor leh.

Fursadaha berbera corridor .
Berbera corridor waxa ay dalkeena kusoo kordhinaysaa fursado tiro beel ah o ah:

1. Abuurista shaqo badan , shaqadaas o ay heli doonan muwadininta Somaliland.
2. Waxa ay abuuri doonta jawi ganacsi o wayn kaas oo taaban doona dhaqalaha dalka haday noqoto gaadiid layda , hotelayda iyo cid walba o dhex wareejisa ganacsi aaga wadada iyo magaloyinka ay wadadu mari doonto ee waawayn ilaa kuwa yaryar.
3. Shixnadaha ganacsiga oo si fudud isaga kala gooshi doona Somaliland , Somali galbeed ilaa ethiopian ka.
4. Dekada berbera o heli doonta macaamil badan oo geeska ah isla markaana tartan xoogan la gali doonta dekadaha gobolka geeska Africa.
5. Shirkado badan oo iman doona dalka Somaliland kuwaas oo qaban doona adeegyada logistics ka iyo cargo gaba.

Maxaa caqabado ah berbera corridor?
Berbera corridor horumarka ay inoo soo kordhisay e aan dusha kusoo xusnay si la mid ah waxa jira caqabado u baahan in aan si hoose u fahano o aan indhaha ku hayno bulsho ahaan waana kuwan.
1. Waxaad mooda mar walba oo waddo casri ah layno dhiso waxa bata shilalka iyo khasaraha waana fahan la”aan dhinaca wada marista ah o aan si khaldan u isticmaalno waa in aan caqabadan wayn ee naf iyo maal ba inaga galafata maalin walba waa in aan u dhug yeelanaa o aan aad uga taxadir naa marista berbera corridor isla markaana raacnaa tilmamaha iyo calamadaha wadooyinka.
2. Bulshada ku nool deganada waddadu marayso waa caqabad iyana waxa ay sanad walba keeni kartaa dhimasho iyo dhaawac maadama ay baaburtu xawaare dheeri ah ku soconayso bulshadaas waxaan ugu baaqayaa in ay waddada ka fogaadaan isla markaana ay feejig nadaan cidda gadiidka wadana waa in ay ku martaa xawaraha loogu tala galay wadada isla markaana ahaata cid khibrad leh oo aad iyo aad u taba baran isla markaana aad loo hubiyay o la tijaabiyay sida ay gadiidka waawayn u wadaan.
3. Dadka Ethiopia oo aad inoo harqin doona dhinaca shaqada iyo hawl  maal meedka maadama ay inaga badan yihin isla markaana inaga aqoon iyo xirfad badan yihin waxa ay keeni kartaa in ay ina riixan o shaqada iyo dhaqaluhuba xagooda maro.
4. Berbera corridor muddada ugu badan e shaqayn doonta waa 30 sano sida daradeed waa in aan halkaas xisaabta ku darsanaa waa caqabad o dhaqalaheena dhisnaa isla markaana aynaan maal galino u baahan e aan hore u soconaa insha allah dhinac walba oo nolosha ah.
5. Waddada oo ah cidhidhi ama kayar cabirkii wadooyinka taraaga iyo xamuulka loogu tala galay taas o caqabad iyana ah.

Dalkeenu muxuu u bahan yahay?
Dalkeena Somaliland waxa u bahan yahay in aan dhisano Qodobadan hoose oo ah kabayaal dhaqaale (The infrastructure):

1. Wadooyinka dalka isku xidhaya iyo kuwo dalal ka jaar ka ah inagu xidhi doona si isu socodka ganacsigu u fududaado oo u sahlanato isla markaana aan dhaqaale badan u samayno.
2. Madarada dalka waa in aynu dibu habayn deg deg ah iyo nashqadayn casriya ah u samayno si ay ula jaan qadaan madarada gobolka iyo kuwa calam kaba.
3. Dekado cusub waa in aan dhisanaa si ay u fudadato in dalka hore u socdo isla markaana aan kor u korno si xawli ah.

Ugu dambayntii berbera corridor waxa ay ledahay fursado badan isla markaana ay caqabado ku lamaan yihin inaga o ka taxadirayna caqabadaahaas , aan xooga saarno fursadahaas soo if baxay ee dadkeena iyo dalkeenuba ay ku barwaaqowi doonan , ugu dambayntii waxaan maqaalkan xiisa ha leh ku sharfayaa walalkay saxibkay C/rashiid maxamed abokor oo igu la taliyay in aan berbera corridor wax ka qoro fursahada iyo caqabadaha jiraba si ay dadkeenu wax badan u ogaadan.

ILAAHAY AYAA MAHAD LEH.

W/Q: Mohamed Aden Hassan
Email: moadam203@gmail.com
Twitter: https://twitter.com/PoliticianAdam