SIYAASADII GEESKA AFRICA MA WAXA DAADIHIYAYAAL KA NOQDAY GEELLE & GURGUURTE ?

Waxii ka dambeeyey 15 May 2021 oo ahayd maalintii la qabtay doorashadii madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya wax weyn baa iska badelay siyaasadii Gobolka Geeska Africa .

Waxaa mudo dheer socday hirdan siyaasadeed oo ahaa Farmaajo, Abiy iyo Afawerki oo dhinac ah iyo Uhuru, Geelle iyo Biixi oo dhinac ah waxaana sawirkaasi si dhab ah u muuqday caleemo saarkii madaxweynaha Djibouti doorashadiisii ugu dambaysay doorashadii dhacday April-10-2021.

Halkaasi wax badan baa la iskula meel dhigay oo ay kow ka ahayd in nidaamkii uu hogaaminayey Farmaajo meesha laga saaro oo ay xiligaasi Djibouti, Kenya iyo Somaliland meel xun isla gaadheen , waana markii la qorsheeyey in mucaaridka muqdisho la mideeyo.

Uhuru kenyatta oo doonayey in uu siyaasada Gobolka jilaa joogto noqda kasii ahaado isaga iyo murashaxii uu watay waxa si xun dhulka ujiiday William Ruto oo ka guuleystay sidaasi ayuu saaxada ku macasalaameeyey Aug 15 2022.

Dhowaan ayey ahayd markii madaxweyne Geelle meel fagaare ah ka sheegay in Xasan Gurguurte cadaw badan jabiyey oo dadka iniba dhinacii ay rabtay u fasiratay laakiin macnaha dhabta ahi waxa uu ahaa in uu Maamulkii Farmaajo oo Djibouti safaaradaha kala qaateen in uu meesha ka saarey.

Isku soo wada xoori Madaxweyne Geelle oo ku gorgortamayey in uu hormood u noqdo siyaasada Gobolka ayaa waxa u rumoobay riyadiisii , hallka Abiy Ahmed oo ilaa 2018 siyaasada Gobolka mucjiso ku timid ahaa uu ku qasbanaaday in uu la heshiiyo Tigray.

Isku soo wada xoori marka laga yimaado Uhuru oo laga guuleystay iyo Madaxweyne Geelle oo yoolkiisii gaadhay maxaa Jamhuuriyada Somaliland iyo madaxweyne Biixi ka faaideen ridistii Farmaajo?

Sidee xaaladaha maanta jamhuuriyada Somaliland ka taagan iyo dawladahaasi marka af-gobaadsiga laga yimaado saameyn isugu leeyihiin?

Suuragal ma tahay waxa Laas-caanood ka socdaa in uu yahay Aargoosigii nidaamkii Farmaajo oo Ethiopia laga soo abaabulay ?

Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed