Haddii tani kugu dhacdo, maxaad samayn lahayd? WQ Mustafe Adan

Waxa uu yidhi, “Waxa la igu martiqaaday aroos, markii aan gaadhay hotel-kii xafladdu ka dhacaysay, waxa aan ku beegmay laba albaab oo isku xiga oo ay ku kala qoran yihiin:

(1) Qaraabada caruusadda
(2) Qaraabada Carruuska.

Waxa aan galay kii ay ku qornayd carruuska. Waxa iga soo horbaxay laba albaab oo ay ku kala qoran yihiin;

(1) Dumarka
(2) Ragga.

Waxa aan galay kii ragga. Mar saddexaad waxa iga soo hor baxay laba albaab oo ay ku kala qoran yihiin

(1) Dadka hadiyadda sida
(2) Kuwa aan sidin.

Waxa aan galay albaabka dadka aan hadiyadda sidin, waxa aan is arkay aniga oo huteelka dibadda uga baxay” Engr Distinction

Haddii taasi kugu dhacdo, maxaad samayn lahayd?

Waxa Qorey :- Mustafe Adam