Hirdanka Quwadaha Adduunka ee Gobolkw Geeska Afrika

(Garab istaaga jamhuuriyada Somaliland ee US iyo Taiwan ma u horseedi doonaa aqoonsi caalamiya? )

Quwadaha aduunka ku loolamaya ayaa tartan ugu jira wadamada dhaqaalaha leh sida saliidaha iyo gaasta dabiiciga waxaana tusaale xoogan u ahaa safarkii China madaxweynahoogu ku yimi dunida carabta iyo dawladaha khaleejka.

Waxa kale oo lagu hirdamayaa waa in lakala qabsado goobaha istaratajiga ah ee aduunka oo dalba uu rabo ka kale in uu uga dheereeyo dhulkaasi waxaa ka mid ah jamhuuriyada Somaliland oo maraykanku danaynayo si aan China u iman.

Dhanka kale waxa uu maraykanku heshiis cusub la galay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo uu yidhi waxa aan kaa taageerayaa la dagaalanka argagixisada.

Haddaba muxuu daaranaa safarkii xasan Sheekh Maxamuud ee maraykanku? marka laga yimaado shirkii dawladaha Africa iyo maraykanka oo uu qayb ka ahaa waxaa u dheeraa safarkaasi laba qorshe oo kale oo kala ahaa ;

1- Cusbooneysiinta ladagaalanka argagixisada ( war against terrorism) oo ay xukuumadii Donald Trump joojisay.

2- In uu dhaqaale ka helo dawlada maraykanka sidoo kale oo shirkadihii shidaalka ee maraykanka iyo maalgashadeyaal keeno muqdisho .

Waxa aad moodaa in safarkaasi daba socday safarkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ku tagey maraykanka kaasi oo ku yimid danaynta maraykanka ee jamhuuriyada Somaliland si uu uga hortago isbalaadhinta China ee aduunka.

Haddaba Jamhuuriyada federaalka soomaaliya waxaa iyaguna garab istaagay China oo sheegay in ay siinayaan waxwalba oo uu dalkaasi u baahan yahay kana caawinayaan dagaalka uu kula jiro argagixisada.

WAXYAABAHA LAGA CABSI QABO IN AY KA DHASHAAN HIRDANKA QUWADAHA ADUUNKA EE GOBOLKA GEESKA AFRICA.

Maadaama meesha uu tartan yimid waxaa lagama maarmaan ah in uu jirayo kala hororsi danaha dawladaha ah oo gobolkani ku soo fool leh kuwaasi oo sababi kara dagaalo horseeda in gobolkani noqdo gego dagaal ( battle ground)

Hore dagaalkii dawlada Ethiopia iyo Tigray waxa uu sababay in uu xumaado Xidhiidhka maraykanka iyo Ethiopia , Xidhiidhka maraykanka iyo Erateria waxaana ka faaiideystay dawladaha China iyo Russia oo labadani dal soo degay arinkaasi oo maraykanka ku keenay in ay yaraato saameyntiisii siyaasadeed ee Gobolka Geeska Africa.

Maraykanka ayaa ku xusay heshiiskii difaaca maraykanka ee uu ansixiyey muhiimada jamhuuriyada Somaliland u leedahay iyo danayntiisa arinkaasi oo xidhiidh la lahaa olole ay wadeen mudaneyaasha labada aqal ee maraykanka oo u arkaya jamhuuriyada Somaliland in ay dalkooga muhiim u tahay.

Maraykanka ayaa kula dhaqmi jirey Somaliland iyo Somalia siyaasad laba dhinac ah waxii ka horeeyey sanadkii 2012 oo Somaliland wadahadal la sameysay soomaaliya kaasi oo sababay in dawlado iyo dalal badan oo jamhuuriyada Somaliland danaynayey in ay dib isu taagaan.

Isku soo wada xoori hirdankii quwadaha aduunka oo si toos ah u socda ayaa qolada soomaaliya waxa ay rabaan in ay laba-labeeyaan oo sida Djibouti ay danaha maraykanka iyo kuwa China ee isku lidka ah isku wadaan halka Jamhuuriyada Somaliland la safatay maraykanka iyo Taiwan.

Haddaba waxa isweydiin leh garab istaaga jamhuuriyada Somaliland ee dawladaha maraykanka iyo Taiwan ma u horseedi doontaa in aqoonsi caalamiya ay jamhuuriyada Somaliland caalamka ka hesho ?

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil