“Qofowna ha caayin qabiil soomaaliyeed ” .Xildh Guruuje

Nebi maxamed wuxuu yidhi ” NNKh) Hadii masar qabsataan xurmeeya reer ayaygey baa dhulkaas ku noole.

Nebi maxamed ayaydii waa Haajira oo dhashey Nebi Ismaaciil, Nebi Ismaaciil waa awoowga Nebi Maxamed ee 79aad.

Sidaas markay tahey umadda oomaaliyeed oo ah dad is wada dhaley in qofna isir  kale wax ka sheegaa waa xaaraan.

Sidaas waxaan u leeyahy isir walba waalid buu ku leeyahy qof ka soomaaliyeed, in qof waalidkii caayaana waa denbi.

Tusaale aniga awoowgey 15aad ( Isaxaaq carre) iyo walaaladii waxaa dhaley Geri koonbe gaar ahaan Aabe yoonis. Sidaas markay tahey qof kasta oo Geri ah ama  Daarood ah waan xurmeeyaa.

Sidoo kale Dhulbahnte iyo Ogaadeen waxaa dhaley   Arab Sheekh  Isaxaaq, dhulbahnte lafta ugu badan ee Naaleeye Axmed waxaa dhaley  Habar yoonis, muuse ismaaciil, cabdale xaamud.

Sidaasaa waalid la is waydiinayo la isugu wada yahey ” Wataqu laah, aladii tasaa’aluuna bihii wal  arxaam ” Ilaahey ka yaaba oo idiin waydiin doona riximkiina.

Walaalayaal, siyaasadi iyo aduunyo waa halkeeda laakiin qofowna ha caayin qabiil soomaaliyeed lagaba yaabee in uu waalid kuu yahaye.