Somaliland miyay ka gaabisay beelaha Bariga ee Harti?

Laas-caanood xaaladeedu sidii ay ku bilaabantay waji ka duwan oo aad uga fog ayaa muuqda markii aan in badan eegay halka dadka intooda badani taagan yihiin iyo sida wax u socdaan , haddaba bal qalinka aan u qaato dhulbahante muxuu doonayaa ?

Xaaladaha Laas-caanood ka dhacayey maalmihii ugu dambeeyay iyo jawiga abuurmay waxay kala yihiin laba aad u kala fog oo dhibtani waxay toosisay waxii ubucda u ahaa dadka dhulkaasi degan dhibtu ka bilaabmaysay ( problem’ s primary Agenda) oo ah qadiyada dadkaasi aaminsan yihiin maxay tahay ?

Arinta amaanka iyo dhacdooyinkii dhacayna waxay u tahay dadkaasi  ( secondary Agenda ) ahmiyada labaad marka aan aad u eegay halka ay taagan yihiin aqoonyahanka iyo bahda dhaqanka ee beeshaasi ee ka soo horjeeda jamhuuriyada Somaliland.

Halka Jamhuuriyada Somaliland muhiimada koowaad siinayso dejinta xaaladaha magaalada Laas-caanood iyo kusoo celinta amnigii iyo kaladambayntii xukuumada jamhuuriyada Somaliland oo shaqaaqooyinkii kacay wax yeeleen waana kaaf iyo kala-dheeri.

Beelweynta dhulbahante hore ayey isugu haysay ama ugu kala qaybsanayd sadex qadiyadood iyo mid ka dhex dhalatay afartaasi arin oo kala ah 1- Jamhuuriyada Somaliland 2- Puntland 3- Somaliweyn 4- Maamul goboleed marka ay noqoto xaga dawladnimada iyo maamulka.

Inta aan garanayo waxaa markii ugu horeysay deegaanka dhulbahante maamul kaga dhawaaqay SSC sanadkii 2009 dhamaadkiisii oo uu hogaaminayey Xaglotoosiye oo ku soo guul dareystay in Puntland uu ka helo murashax madaxweyne kuxigeen oo firxad kaga soo baxsaday Garoowe iyo rag kale oo la soo cadhooday.

Jabhadaasi waxa laga taageeray dalal badan oo dadka dhulkaasi joogaan cudud iyo caqliba waa ay  usoo direen garabka siyaasada waxaa hogaaminayey Xaglotoosiye halka Kayse cabdi Yuusuf uu garabka ciidamada madax u ahaa.

Waxaa markii ugu horeysay gogol nabadeed u fidiyey madaxweynihii jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo gogoshaasi oo la dhigey deegaanka Buhoodle gaar ahaan Degmada Widh-widh waxaana isla aqbalay labadii dhinacba.

Shir 7 maalmood ka socday deegaankaasi oo jamhuuriyada Somaliland iyo SSC ayaa laga gaadhay is faham buuxa June 2011 , wadahadaladaasi oo mudo dheer socday waxa lagu soo geba-gabeeyey Dubai July 1 2012 oo gudoomiyihii jabhada SSC iyo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland heshiis ku galeen in la soo afjaro hawshaasi.

Waxaa isna dhinac socday shir ay beelweynta dhulbahante mudo bil ah ku qabsadeen dhamaadkii 2011 ilaa horaantii  15 Jan 2012 Taleex  lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo oo jamhuuriyada Somaliland markii hore fududeysay ayaa la sheegay in uu ka madax banaan yahay jamhuuriyada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ba .

Shirkaasi wuxuu ahaa shirkii ugu horeeyey ee Dhulbahante qabsaday oo uu maamul iyo dawladnimo kaga tashanayo intii ka dambaysa shirkii Burco 1991kii lagaga dhawaaqay jamhuuriyada Somaliland oo ay qayb ka ahaayeen iyo shirkii 1993 Borama lagu soo dhisay xukuumadii ugu horeysay ee Jamhuuriyadda Somaliland oo isagana dadkaasi dadkii waday ay ahaayeen.

Dawlada Jamhuuriyada Somaliland oo dedaal dheer ka gashay ka dib dagaalo mudo dheer dhex marayey Jamhuuriyada Somaliland iyo khaatumo waxaa heshiis lagu gaadhay kulano iyo wadahadalo mudo dheer dalka iyo dibadaba ka socday magaalada Hargeisa 16 June 2017.

Kulanadii badnaa ee wadahadalada khaatumo iyo jamhuuriyada Somaliland oo ka qabsoomay dalalka Ethiopia, Djibouti, UAE ee magaalada Hargeisa isfahamka lagu gaadhay waxa lagu soo afjaray magaalada Caynabo oo heshiis rasmi ah 21-Oct-2017 Cali khaliif galaydh iyo madaxweyne Siilaanyo heshiiskii ugu dambeeyay ku galeen.

Isku soo wada xoori tan iyo ilaa maalintii Garaadka Guud ee Dhulbahante Alle ha u naxariisto e iyo madaxweyne Cigaal isku maandhaafeen cida uu u xulanayo dawlada Jamhuuriyada Somaliland 1994 iyo 1997 marwalba dhaqanka beelweynta dhulbahante intooda badani jamhuuriyada Somaliland way ka soo horjeesteen siyaasiyiintii beeshaasina way ku qancin kari waayeen waxii ay dadkooga u soo qaadeen.

Waxaa la is weydiinayaa haddaba beelweynta dhulbahante maxay rabaan ?

La soco…

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil