Xukuumadda Biixi ma xal siyaasadeed bay keentay mise waa xeelad kale??

Ka dib doorashadii 31 May 2021 ee golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka lagu soo doortay dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku jiray murug siyaasadeed iyo muran doorashooyinka iyo xeerarkooga ah.

Waxa 10 maalmood oo kali ahi ka hadhay maalintii ay u astaysnayd doorashada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee 13 Nov 2022 oo ay hay’adaha qaranka u qaabilsan doorashooyinku sheegeen in aan doorashadii madaxweynuhu xiligeedii ku dhici doonin war murtiyeed ay soo saareen 24-Sept-2022.

Waxaana gudiga doorashooyinka qaranka jamhuuriyada Somaliland soo jeediyeen in ay ku qabanayaan mudo 9 bilood ah doorashadii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo ka bilaabmaysay 1-Oct-2022 arinkaasi oo ay soo dhaweeyeen daneeyayaashii doorashooyinku markiiba.

Haddaba golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland ayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland u sameeyey mudokordhin 2 sanadood ah taariikhdu markay ahayd 1-Oct-2022 , halka isla golaha guurtiduna mudo xileedkoogii ku kordhisteen 5 sanadood oo buura ah.

Mar qudha ayaa waxa is badelay jawigii siyaasadeed ee dalka oo cirka isku shareeray waxaana abuurmay sawaxan iyo buuq lagaga soo horjeedo labada mudo-kordhineed ee golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland sameeyeen , sidoo kale beesha caalamka iyo dawladaha Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa ka soo horjeestay talaabadan.

Haddaba waxa aad moodaa in xukuumada jamhuuriyada Somaliland aanay ku qancin mudada golaha guurtidu u kordhisay oo diyaar u yihiin in dalka doorasho ka dhacdo 2023 sidoo kale miisaaniyada ayaa lagu daray kharashkii doorashooyinka lagu qabanayey.

Arinkaasi waxa uu soo afjarayaa doodii labada xisbi mucaarid ee ku salaysnayd in aanay sharci aheyn mudo kordhinta 2 sanadood ee madaxweynaha loo sameeyay isla markaana aanay jirin duruuf sharci oo keenaysa ama sugaysa saxnimada mudokordhinta.

Isku soo wada xoori xukuumadii jamhuuriyada Somaliland waxa ay cadeysay in doorashada sanad gudihii lagu qabanayo , sidoo kale doorashooyinka soo socda ay galayaan sadexda xisbi ee ka soo gudba tartanka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka oo la filayo isla 2023 in uu jamhuuriyada Somaliland ka qabsoomo , markaa xukuumadii ma xal bay keentay mise waa xeelad kale ?

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil