Dhakhtarkii Iliga Ka Saarayay ayaa Daanka Jabiyay

Muddo laga joogo hadda qiyaastii siddeed bilood ayay walaashay Nimco Axmed  u tagtay dhakhtarka Ramadan Dental clinic oo ku yaalla Hargaysa si uu uga saaro ilig xanuunaya .

Waxa uu ka saaray iligii se xanuunkii hayay mid ka sii  daran ayay dareentay oo maalinkii xigay ayay hadana u timid se “waxba ma jiraan ” ayaa uu ku yidhi .

Xanuunkii markuu joogsan waayay waxa ay ku noqotay tiraba laba jeer oo dambe dhakhtarkii , isna ugu dambayn waxa uu u sheegay in aanay meeshu waxba qabin.

Markay halkaa marayso ayay ila soo hadashay oo ay ii sheegtay dhibta haysata iyo in aanay hadh iyo habeen toona hurdo ladin garaaca haya awgeed .

Waxa aan u diray nin aanu saaxiibo nahay oo dhakhtar ilkeed ah isna waxa uu u diray dhakhtarka Amal garaan oo ku yaala xaafadda New Hargaysa .

Waxa uu u diray sawir iyo iskaan  si uu u hubiyo dhibta jirta . Waxa uu sheegay in meesha iliga laga saaray ay jaban tahay .

Jawaabtii ayaanu kula soo noqonay dhakhtarkii Ramadan ee ilaga saaray . Isna waxa uu noo sheegay oo uu nagu qanciyay in mushkiladdan oo kale ay timaado badanaa marka  gawska sare la  saarayo .

Maadama oo lacagta qaliinku sida uu Amal grand sheegay ay iska ahayd wax yar oo ah $180 , dhibtana naloogu sheegay wax iska dhaca , Waxa aanu go,aan ku gaadhnay in aanaan hadda qabsan oo aanan waxba waydiin dhakhtarkii Ramadan ee illiga inanta ka saaray .

Hawshii kabniinka ayaanu dhamaysanay , anaga oo iska dhaafnay dhakhtarkii dhibta gaystay .
Kabniinkii ka dib xanuunkii waa sidii oo wax isbadal ahi ma jiro .

Bil ka dib oo ay inantii sidii garaac aan inaba aan  caadi ahayn u dareemayso ayaanu ku soo noqonay Amal Grand Hospital , isna waxa uu noo sheegay in ay meeshii kabantay se  aaanu hadda xanuunkan waxba ka garanayn ee aanu u tagno hospial Dalsan  oo uu joogo dhakhtar ku takhasusay neerfaha .

Dalsan ayaaanu u tagnay isna waxa uu noo sheegay in mid ka mid ah neerfuhu dhaawacmay .
Dawooyin ayuu noo qoray  se wax isbadal ah ma hayno wali .

Waxa nagu abuurmay walaac ah in uu kansar jiro , si aanu u shaki baxno ayaanu u tagnay Hospital Needle oo ku yaalla Hargaysa .

Isna Al-hayat Hospiatal ayuu noo diray , waxaana naloo sheegay in mushkiladdu tahay reeraf dhaawacmay . Dawooyin ayaa naloo qoray iyaguna waxba waa badali waayeen .

Halkaa markay marayso oo ahayd 28-6-2022 ayaanu go’aansanay in aanu dacwayno dhakhtarkii adeegga qabtay ee Ramadan , waxa aanu tagnay saldhiiga ,isna waxa uu noo diray xeer ilaalinta ,xeer ilaalintiina waxa ay noo dirtay Xarunta Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka .

Xaruntuna waxa ay noo sheegtay in aan soo qoro arji dacwadeed soona qaado reportska dhakhtaradii ay inantu soo martay oo dhan.

Dacwad gaynta ayaamo ka dibna waxa aanu gaynay Dhakhatarka Gaboose isna sidii si la mid ah.waxa uu sheegay neeraf wax noqday oo waxa uu yidhi waan dilayaa neerafkaas oo irabad uu lacag badan qaatay ayaa uu ku muday se xanuun waa sidiiisii uun.

Muddo afar bilood ku dhaw ayaanu sugaynay Go’aanka kiiskaas .
Inanta laba maalmood ayaa loo yeedhay oo maalina anigaa raacay oo markaanu laba saacadood ku sugaynay dhakhatarka wayn oo ay nagula balameen ayaa naloo sheegay in aanu barri soo noqono .

Maalintan dambe anigu maan raacin se waxa lala yeeshay waraysi gaaban ,meeeshana toosh ayaa lagu yar eegay talo ah in ay joojiso kiniin garaac oo ay xanuunka iskaga baabiiso iyo in ay meesha duugtana waa la siiyay .

Halkaa markay marayso ee haddii aanu garaacno qolada Mihnadlayaashana  nalagu yidhaahdaan “iska suga ugu yaraan afar bilood bay qaadanaysaa”  inantuna ay saacaddiiba xanuun baabiiyo isticmaalayso ayaanu go’aansanay in aanu Adis Ababa u dirno .

Maalintii ay baxaysay ayaan la hadlay wiilkii kiiska gacanta ku hayay oo aan ku idhi ” inantii waa ay ka sii dartay oo waxa aanu u diraynaa Adis Ababa ee la soco” .

Isna waxa uu iigu jawaabay ” waa sexe anna kiiskii waan soo dedejinayaa walaal “
Maalinta maalintii ku saddex ahayd buu ila soo hadlay oo uu ii sheegay in uu kiiskii go’aan ka soo baxay oo uu doonayo in aan u imaaddo hadda .

Waxa aan u sheegay in aanan hadda soo haleelayn laakiin aan u soo diri doono inanta sayigeeda oo Jigjigayar degan oo isagu ahaa qofka labaad ee kiiska xogtiisa iyo wadistiisaba talada lahaa .

“Waayahay ” ayaa uu igu yidhi.
Markii uu wiilkii inanta qabay soo gaadhay waxa uu u sheegay in uu galka warqada go’aanku ku jiro  dusheeda saxeexo intaanu akhriyin .

Isna waa ka diiday in uu saxeexo wax aanu akhriyin .
Waa iskaga yimid .
Labadayadii ayaa u wada tagnay , maalinkii xigay waxaanay noo sheegeen in saxeexu yahay kaliya in aad go’aanka u qaadeen dhibanaha , waxa ku jira se aad ka doodi kartaan .

Sidii ayaan  anigu ku saxeexay ,
Go’aankii ayaan akhriyay waxa lagu bilaabay inantu adeegga ay meesha u timid in uu ahaa ilko xidhis oo anaga noo ahaa ilig la saaray  .

Saddex qodob oo go’aan ahna laga soo saaray , kuwaas oo kala ahaa
1) in dhakhtarkii inanta u adeegay masuul ka yahay dhamaystirka adeeggii uu qabtay .
2) in dhakhtarka adeegga fuliyay ahaa bilaa rukhsad ee uu rukhsad samaysto .
3) in inanta loo mag dhawo qarashkii kaga baxay Amal Grand.

Waxa warqadda ku saxeexan shan dhakhtar .

Waxa aan ugu jawaabay ” warqadani uma eeka mid maan dad badan soo martay qaladaadka ku duugan awgeed “

Inankii kiiska hayay ayaa iigu jawaabay waxani waa qaladaad qoraal ee haddii aad dood qabto aan kuu geeyo agaasimaha goobta .

Halkii ayaanu ugu tagnay agaasimihii waxaanu nagu  yidhi warqaddan ka sii taga oo iyada u taga way garanaysaa kiiskee.”

Agaasimihiina waxa uu nagu yidhi dhaktarkii waxba waa lagu waayay , anaguna dood diyaar uma nihine , haddii aad dood qabtaan maxkamada taga “

Waayahay ayaan ku idhi
Bal akhriste adiga laftaadu is qabadsii waxa halkan ku  qoran iyo waxa ay leeyihiin ee ah waxba laguma helin dhakhtarkii .

Intii aanu ku maqnayn  agaasimaha ayaa uu halkii ilko xidhista ku badalay ilig saarid , galkiina sii  galiyay .

Markaan warqaddii qaatay ee aan dibada marayo ayaa uu wiilkii ila socday yidhi “waar bal warqadu in ay tii tahay iyo in kale inaga hubi” .

Mise waaba tii oo halkii ahayd ilka xidhista laga dhigay ilig saarid .
Waxaanu is waydiinay oo goormay waxan oo dhakhtar ahina saxeexeen ilayn saddex daqiiqo kamaynu maqnayne, mana joogaan dhakhatarada saxeexa ku yaalaaye !

Ku noqday markiiba .
Bal adba hel ninkii aan hadda xafiiska kaga soo baxay !

Iska tagnay .
War kale oo ka yimid Adis ababa oo ka yimid walaalana na soo gaadh , kaas oo sheegaya in dhakhtarkii ay u tageen u sheegay in ay neerfuhu fayaw yihiin se jabniin ah lafta daanka iyo madaxa isku xidhaa jiro .

Maalinkii xigay ayaanu odayaal u kaxaynay meeshii komishanka , se gabadha gudoomiyaha ka ah kumishanka ayaa noo sheegatay in aanu barri soo noqono .

Maalintii xigtay tagnay
Markaanu meeshii tagnay waxa warbixin laga dhagaystay inankii kiiska gacanta ku hayay .
Waxa kale oo hadlay mid ka mid ah odayadii oo hordhac u sameeyay in anaga oo ah dadkii xogogaalka ahaa hadalano .

Se gudoomiyaha ayaa diiday in aanu hadalno gabi ahaanba .
Halkaa markay marayso odayadii mid kale ayaa yidhi maxaa uu yahay go’aankiinu .
Waxa ay tidhi “dhakhtarkan waxba waa lagu waayay ee meel kale la taga wixiina “
Waanu ka soo baxnay anaga oo nala cabudhiyay .

Hadda walaashay waxa ay aroorta qaliin  ku galaysaa Adis Abab  ka dib muddo sideed bilood ah oo la silcinayay oo Hargaysa  ugu heshiiyeen daalimiin garab haysataa.

Waxa aanu ka codsanaynaa , wasiirka cadaaladda, wasiirka.Caafimaadka , iyo cid kasta oo ay qusayso arrinkani in ay arrinkaa soo faro galiyaan .

Si gaar ah , waxa aan fariin ugu dirayaa madaxwaynaha qaranka oo aan leeyahay , raggii islaamka soo maray inan lagu yidhi hebel muxuu kuu tari karaa inta loo caga-jugleeyay  ayuu ciidamo aan la qiyaasi karin ku eekeeyay ciddii gabadhaa islaamka ah hadal xun ku tidhi , adna shacabkii aad masuulka ka ahayd waxa u heshiiyay  dadka sidaa samaynaya .
U soo duceeya walaalo shacabaw , allihiina suga inta uu nasri eebbe imanayo.

W/q: Maxamuud Axmed Xuseen.