Baaq ka yimi Qurbojoogta Beesha Arab Sheekh-isaxaaq

Annagoo ah  qurba joogta beesha Arab  waxaanu in muddo ah isha ku haynney oo aanu ficilladiisa iyo wuxuu soo dhigo SOCIAL MEDIA-HA la soconney  nin la yidhaahdo   Cabdillaahi  Ibraahin Xasan oo kasoo jeeda beesha  REER-CALI  ee Arab.

Ninkaasi wuxuu caadaystey inuu isagoo ku hadlaya afka beesha ARAB WEYNE uu qabiillada iyo jifooyinka beesha ISAAQ  maalinba reer aflagaaddeeyo oo si xun oo qaawan u caayo.

Si, aanu u ogaanno ninkan PROFILE-kiisa iyo meesha uu ARAB uga yimi maaddaama dhaqan-xumadiisa, caydiisa ummadda, GUUL-WADEYNTIISA aan dhaqan ISAAQ-ba ahayn, waxaanu la xidhiidhney Familkiisa Reer-Cali  waxaana noo soo baxay arrimahan :

1. Ninkaasi wuxuu  waqti ku beegan 2003 ilaa 2004-dii ku dhaawacmey muddaharaad ay dhigtey dhallinyaro beesha  Arab ee hargeysa ahi,  oo Kulmiye soo abaabuley waqtigii Daahir Riyaale, taasoo rasaasi kaga dhacdey mid ka mid ah addimadiisa, haddaba, ma aha Mujaahid-nimada uu sheegto.

2. Ninkaas waqti ayaa xil kulmiye uga magacaabey iskuul ka mid ah kuwa ku yaalla xaafadaha reerka arab-weyne Hargeysa ka dego, waana laga eryey markii uu dhaqaalihii iskuulka ku takri faley  aqoontii waxbarashadana uu dabooli waayey.

3. Wuxuu kasoo jeedaa tuulo yar oo XAAXI la yidhaahdo oo deegaanka Oodweyne ka tirsan halkaas oo isaga aabbihii iyo adeerradiiba beero yaryar oo beer roobaad ah oo cawska iyo Hadhuudhka laga beerto haddii roob la helo, wuxuuna hargeisa soo galay 1998.

4. Waxaanu soo ogaanney in hooyadii kasoo jeeddo reerka uu maalin walba soo caayo ee reeraha lagu dhex noolaan karo ee reer sheekh isaxaaq ugu dunta wacan ka mid ah ee Habaryoonis.

Bishii September 2022 ayuu reerkaas Social mediyaha ka caayey  isagoo la hadlaya Maxamed Kaahin oo malaha uu is yidhi inuu Maxamed Kaahin wax kaga helayo  cayda beeshaas aanu walaalaha nahay ee tolkayo ah ee aannaan ka maarmin walaalnimadooda.

 Wax loo dulqaadan karo  ma aha, in qof nafttisa u xanuunsanayaa uu  iska dhigo, inuu ARAB wax u qabanayo,ama cid ka difaacayo.  

Runtii haddii arab dhexdiisa xumaanta caynkaas ah laga dhex sameeyo, oo uu iska qaban-waayo waa dhaxal xumo, gunnimo iyo dullinimo tii ugu xumeyd.

Ugu danbeyn, qurbajoogta beesha Arab oo badankoodu arrinkaas iska wareystay waxaanu baaq dheer usoo jeedineynaa Suldaanka guud iyo cuqaasha iyo madaxda reerka iyo masuuliyiinta xukuumadda ugu jira reerka, in aan magacayaga ARAB aan cidna wax loogu dhimin.

Waxaanu kaloo soo jeedinaynnaa in beesha REER CALI- ee reer bariga ahi ninkaas naga qabsato ama XAAXI  iyo meeshuu ka yimi ku celiso.

Qurbajoogta  Beesha ARAB- Sheekh Isaxaaq (Europe, Canada & N. America).

WA-BILLAAHI TAWFIIQ .