Belgium: Garsoorayaal loo xidhay si ay u dareemaan xannuunka Maxbuuska

Koox garsoorayaal ah ayaa la xidhay, si ay u soo dhadhamiyaan nolosha xabsiga ee ay ku ciqaabaan dadka ay dembiyada ku helaan.

Vincent Van Quickenborn, wasiirka garsoorka ee Beljam ayaa sheegay in 55 garsoorayaasha dalkaas ka mid ah loo taxaabayo xabsi ay iyagu doorteen.

Wasiirku waxa uu sheegay in garsoorayaashani ay laba maalmood oo xabsi buuxa ah ku jiri doonaan jeel ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Brussels, iyada oo la marinayo nidaamka iyo dhammaan tallaabooyinka la mariyo maxaabiista xidhan.
Isaga oo intaas ku daray in sababta garsoorayaasha loo xidhay ay tahay in ay helaan waayoaragnimo ka caawin doonta,  in hadda kaddib ay xukunnada ridaan iyaga oo fahamsan macnaha ay leedahay in qofka xorriyaddiisa laga qaado.

WQ Kamaal Marjaan