Somalia: Midowga Yurub oo Xasan Sheekh u Fasaxay Lacagtii Laga Xayiray FARMAAJO

Muqdisho  -(Berberanews)-Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu dib u bilaabi doono lacagihii uu ku taageeri jiray dawladda Soomaaliya oo xayirnaa muddo ka badan sannad.
Taageerada Midowga Yurub ayaa la joojiyey ayada oo laga jawaabayo markii dawladda Soomaaliya ay ku guuldarreystay inay qabato doorashooyin kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo 7-dii Februray 2021.
Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub Jutta Urpilainen, ayaa maanta sheegtay in ururka uu Soomaaliya gaadhsiin doono lacag dhan €13.5 milyan oo taageero miisaaniyad oo deg deg ah si loo joogteeyo dardarta siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ururka uga qeyb qaato isbedellada ka socda dalka.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ururka uu Soomaaliya siin doono €125 milyan guud ahaan sannadkan 2022, si loo taageero dowlad dhisidda, isbedellada dhaqaale, adkeysiga iyo tallaabooyinka la xiriira isbeddelka cimilada.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 25-kii May Madaxtooyada ku qaabilay wafti ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday Midowga Yurub dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna Annette Weber soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Danjire Annette Weber ayaa noqotay masuulkii ugu derejada sarreeyey Midowga Yurub ee booqda Soomaaliya tan iyo burburkii dawladdii Siyaad Barre kadib.