Rayaale: “Dalku xaalad adag oo siyaasadeed buu wajahayaa.”

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka digay xaaladda siyaasadedd ee dalku ku suganyahay.

Mr. Rayaale waxaa uu sheegay inuu meesha ka baxay doorkii  Golaha Guurtida Somaliland ka geysan lahaa xaaladda oo kale.

“Dalku xaalad adag oo siyaasadeed buu wajahayaa. Guurtidii xaaladahan oo kale dalka Jamhuuriyadda Somaliland kala dabbaalan jirtay doorkeedii ma muuqdo, tanaasulikii iyo tudhaalihii xukuumadaheennii hore lagu yaqaanayna meesha wuu ka baxay.
Waxaan ku baaqayaa in loo noqdo mabaadiida aasaasiga ah ee Dastuurkeennu dhigayo, sida xorriyadda hadalka, caddaaladda, qabashada doorashooyinka iyo nidaamka qori-isku-dhiibka nabadda ku dhisan.
Somaliland Allow dhawr.” Sidaa waxaa soo qoray Daahir Rayaale Kaahin.