Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho-(Berberanews)-Xassan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay Madaxweynaha 10aad ee dalka Soomaaliya — kadib markii uu wareeggii u danbeeyay ka adkaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya Madaxweynaha afarta sano ee socota hoggaamin doona dalka Somalia.

Codeynta wareegga 3-aad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana isugu soo hadhay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib loolan adag oo dhacay wareeggii koowaad iyo labaad oo ay murashaxiin badan ku hadheen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegga labaad uga soo gudbay codad gaadhaya 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 83-cod.

Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.