Siyaasi Xaashi oo dhaliilay hanjaabadda iyo kicinta ee xisbiyada mucaaradka

“Waar hooy musharrax ma taliyo, ee waa loo taliyaa!
Musharraxiinta u tartamaya jagada madaxweynenimada Somaliland iyo Soomaaliyaba, waxay xaq u leeyihiin, in ay bulshadooda weydiistaan cod iyo cuud. Haseyeeshee, haddii ay kursiga waayaan, xaq uguma laha in ay weydiistaan, in ay u loogaan curadadooda iyo camalkooda aakhiro.
Ruux kasta oo leh han iyo hunguri siyaasadeed, waxa la gudboon in uu u maro hammigiisa dariiq haboon, oo aan habayaraatee hantaaqo iyo hurgumo midna u geysan dadkiisa iyo dalkiisa hooyo.
Kursi waa la helaa,  ama waa la waayaa oo waa calaf. Balse, ciyaar laguma helo ummad wanaagsan iyo aakhiro wanaagsan.
Ragga dhaaranaya ee sida awrta dhibi-lisanaya, waxaan leeyahay saaxiibbayaal, ninka maanta kursi doonayaa, wuxuu ka dhigan yahay nin dhawrtaysanaya oo gacmaha dadka hoos dhiganaya.  Sidaa darteed, ma habboona inuu dhaarto iyo in uu dhaato toona.
Hoggaamiye kasta oo u hammuumaya in uu haaneedo hoggaanka talada dadkiisa iyo dalkiisa, waxa la gudboon saddex hal oo isku sidkan:
1. In uu muujiyo bisayl siyaasadeed oo u tartamo si nadiif ah, isla markaana ixtiraamo aragtiyaha ka soo horjeeda.
2. In uu adkeeyo midnimada iyo wadajirka ummaddiisa, uurkooda iyo ururkoodana aannu kala irdhayn.
3. In uu ilaaliyo ammaanka  iyo nabadgelyada dadkiisa iyo dalkiisa.
Waxaan leeyahay ummadda  Somaliland waar musharrax ma taliyo, ee waa loo taliyaa. Waxay awoowayaasheennii hore ku maahmaahi jireen: ‘Marti iyo meyd labadaba waa loo taliyaa, ee ma taliyaan.’ Musharraxu wuxuu ka mid yahay martida, oo lama weydiiyo meesha la dejinayo, goorta wax la siinayo iyo waxa lagu  soorayo midna. 
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma raacdo.
Aniga qudhaydu waxaan ka mid ahay qoorweynta iyo qammaamuurta gu’ugan qooqan ee guddoomiye doonka ah, haddana, waxaan cindigayga iyo calooshayda geliyey, saddex calaamood oo kala cayn ah;
1. In aan u tartamo si hufan, isla markaana aanan tolliimo iyo tudhaale midna  ka tegin.
2. In aan tuugo, oo cid kasta taageero weydiisto.
3. In aan oggolaado in aanan maanta talin, ee naloo taliyo aniga iyo asxaabtayda aannu tartamayno.”