Itoobiya oo markale dagaal isu diyaarinaysa

Addis Ababa  -(Berberanews)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Itoobiya Mr. Agenyahu Teshager, ayaa sheegay in fallaagada TPLF isu diyaarinayso dagaal kale ay markale ku qaadaan degaannada deriska la ah Gobolka Tigray, sidaa awgeedna shucuubta Itoobiyaanka looga baahan yahay inay u diyaargaroobaan ka-hortagga duullaanka kooxdaas oo uu tilmaamay qaar aan dan ka lahayn nolosha shacabka labada dhinac.

Guddoomiyaha oo u warramay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee ENA maanta, ayaa ku dooday in fallaagada TPLF hadafkoodu iyahay ‘dalka haddii aanay iyagu xukumin inay burburiyaan.’
‘Fallaagadu waxay doonayaan oo ay isu diyaariyeen inay markale dagaal ku qaadaan degaannada Amxaarada iyo Cafarta, waxana arrintaas si weyn uga hadlay warbaahinta caalamka qaarkood,” ayuu yidhi.
Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay dagaalka ay TPLF doonayso dalka inay ku soo qaaddo Shucuubta iyo dawlad-degaannada Itoobiya sidii ay uga hortagi lahaayeen inay u diyaar garoobaan.
Fallaagada TPLF ayaa toddobaadki hore dagaal ku qaadday waddanka Eritrea iyaga oo iska caabbin xooggan kala kulmaya ciidammada dalkaas.
Dagaalka woqooyiga Itoobiya sannad iyo badh ka socda, ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay taagnaa, kaddib markii dawladda dhexe xabbad-joojin ku dhawaaqday, taas oo fallagaduna soo dhoweeyeen.
Maamulka Gobolka Amxaarada ayaa isaguna heegan geliyey ciidammada degaankaas, iyaga oo shacabkana ugu baaqay inay dagaalka dalka lagu difaacayo isu diyaariyaan.