CASUUMADDA IYO XAFLADDA AROOSKA ISLAAMKA

(Majarahabowga Guurka Dhallinyarada Somaliyeed)
Waxaa samankan muuqada in dhallinyarada Somaliyeed ee maanta joogta ay ka majarahabaabeen dhaqanka guurka Islaamka siiba arrimaha la xidhiidha meherka, casuumadda iyo xafladda arooska waxayna ku saleeyaan dhaqanka Reer Galbeed waana sababta keenta in qoyska cusub degiwaayo, furriinkuna ku bato bulshada Somaliyeed.

Casuumaddu waa qado loo sameeyo arooska si loogu duceeyo guurka cusub waxaana sida qaalibka ah la qabtaa ama la sameeyaa maalinta ka horraysa habeenka lammaanuhu si rasmi ah u guri-galayaan, habeenkaas oo la bilaabo aasaaska qoys cusub. Sida dhaqanka ah, marka guur lagu heshiiyo waxa la sameeyaa laba xafladood oo kala ah: Xafladda nikaaxa iyo xafladda arooska. Marka xafladda nikaaxu dhammaato, waxaa loo diyaargaroobaa xafladda arooska ama aqal- galka lammaanaha oo sida qaalibka ah muddo ka dambeeya xafladda nikaaxa si loo diyaariyo dhaqaalaha ku baxa arooska guurka cusub amaba waa la is-raaciyaa. Xafladda nikaaxu sida qaalibka ah waa xaflad gaar ah halka xafladda aroosku tahay mid bulsheed ama dadweyne. Qadada arooska waxaa sida qaalibka ah sameeya qoyska caruuska ama caruuska laftiisa.

Casuumadda arooska waxaa lagu qabtaa goob fagaare ah taas oo loogu duceeyo lammaanaha cusub ee guri-gelaya isla markaana loogu hambalyeeyo guurkooda. Sida Sunnaha ah waxaa loo baahanyahay in masaakiinta lagu martiqaado si ay qadada casuumadda wax uga cunaan sida loogu martiqaado ehelada, jaarka, iyo saaxiibada. Waxaa Sunne ah in arooska Muslimka ah la ogeysiiyo dadweynaha si ay farxadda uga soo qaybgalaan iyo in casuumadda la sameeyo loogu duceeyo guurka cusub. Casuumadda arooska waa inay ku salaysantahay karaanka qoyska cusub oo aanay noqon mid deyn u keenta guurkooda cusub.

Cabduraxmaan Ibnu Cawf (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Ilaahay (S.C.W) inuu ku yidhi: “Casuumad samee, xataa haddii ay tahay neef ido ah.” (Saxeex Al-Bukhaari 6386).

Aanas Ibnu Maalik (R.C) waxaa uu soo weriyay oo yidhi: “Rasuulka Ilaahay (S.C.W) ayaa Saxaabigii Cabdiraxmaan Ibnu Coof (R.C) dushiisa ku arkay raadka cadarka loo yaqaan Sufra (waa cadar midabkiisu yahay huruud) markaasuu ku yidhi: “Cabdiraxmaanow waa maxay waxanu?” Cabdiraxmaan waxaa uu ku jawaabay: ‘Rasuulkii Eebbow! Waxaan guursaday haweeney meherkeedu yahay dahab miisaankiisu yahay miisaanka lafta timirta.” Dabadeed waxaa Nebigu (S.C.W) ku yidhi: “Ilaahay ha ku barakeeyo, qabso xaflad aroos xataa haddii ay tahay neef ido ah.” (Saxeex Al-Bukhaari 5153), (Saxeex Muslim 1427).

Qadada arooska waxaa lagu casuumaa xubnaha qoyska, jaarka, saaxiibada, iyo dadka masaakiinta ah. Waa arrin aad u muhiim ah in la xusuusto inaan la casuumin dadka ladan iyo dadka awoodda leh oo qudha oo laga tago dadka masaakiinta ah.

Abu Hurayra (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Ilaahay (S.C.W) inuu yidhi: “Cunto waxaa ugu shar badan casuumadda qadada arooska ee lagu casuumo tujaarta oo qudha lagana tago masaakiinta. Qofka inta la casuumo diida casuumadda waxaa uu ku caasiyay Ilaahay (S.W.T) iyo Rasuulkiisa (C.S.W).” (Saxeex Al-Bukhaari 5177, (Saxeex Muslim 1432).

Cabdullaah Ibnu Cumar (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Nebi Muxammad (S.C.W) inuu yidhi: “Haddii mid idanka mid ah lagu casuumo qado aroos, waa inuu tagaa.” (Saxeex Al-Bukhaari 5173, (Saxeex Muslim 1429).

Xafladaha arooska, Dadku waa inay ka fogaadaan inay lacag xad-dhaaf ah ku bixiyaan ama khasaareeyaan is-tustus awgeed waayo waxay barakada ka dhaawacaysaa guurka cusub. Caruusku waa in aanu dareemin ama moodin inay waajib ku tahay inuu sameeyo dabbaaldeg aroos oo ku salaysan musrifnimo ama hanti khasaarayn, taas oo mustaqbalka ku noqota culays weyn oo ah deyn daba-joogta sannado badan. Looma baahna inuu si xad-dhaaf ah oo qaali ah noqdo dabbaaldegga arooska. Waxaa muhiim ah inaan lacag xad-dhaaf ah lagu lumin ama khasaarayn xafladda arooska.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Xaqiiqdii, mubadiriintu (kuwa maalka ku ciyaara) waa walaalaha shayaadiinta, Shaydaankuna waxaa uu ka abaal-dhacay Rabbigiisa.” [Suuradda Al-Israa, Aayadda: 27aad].

Islaamku waxaa uu had iyo jeer aaminsanyahay in wax kasta oo nolosha ka mid ah laga doorto dhexdhexaadka oo aan waxna lagu talax-tegin waxna lagu masuugin. Nolosha guurka oo lagu bilaabo deyn weyn oo ka timaada xaflad aroos oo aad qaali u ah uma wanaagsana bilowga nolol cusub ee caruuska iyo caruusadda.

Allaah (S.W.T) waxaa uu ammaanaa kuwa marka ay kharash gelayaan aan samayn musrifnimo xad-dhaaf ah ama dhab-caalnimo lakiinse doorta dhexdhexaadnimada taas oo ah tiir muhiim ah ee nolosha Islaamka.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Oo waa kuwa iyagu marka ay wax bixinayaan aan xad-dhaafin ama aan wax ku cidhiidhyin, oo dhexdhexaad ku toosnaada.” [Suuradda Al-Furqaan, Aayadda: 67aad].

Meherka xad-dhaafka ah iyo kharashka xad-dhaafka ah ee xafladda arooska waxay labaduba ka soo horjeedaan Shareecada Islaamka. Guurka ugu barakada badan waa ka lammaanuhu awoodikaro. Guurba guurka uu ka kharash yaryahay ka barako badan.

Sida qaalibka ah, xafladaha aroosyada kharashka badan waxaa sabab u ah caruusadaha oo ku khasba caruusyada inay lacag xad-dhaaf ah ku bixiyaan xafladaha arooskooda taas oo aan ahayn arrin habboon. Haween badan ayaa ragooda ku khasba inay galaan kharash badan oo saa’id ah iyaga oo ku andacoonaya in hebla iyo heblaba loo dhigay aroos qaali ah.

Sahal Ibnu Sacad (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Nebi Muxammad (S.C.W) inuu nin ku yidhi: “Guurso xataa haddii (meherku) uu yahay kaatun.” (Saxeex Al-Bukhaari 5150), (Buluuq Al-Maraam 1034).

Cuqba Ibnu Caamir (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Ilaahay (S.C.W) inuu yidhi: “Guurka ugu barakada badan waa ka ugu sahlan.” (Sunanka Abi Daawuud 2117, Saxeex), Buluuq Al-Maraam 1036, Saxeex).

Maalka sida musrifnimada leh loogu baxsho aroosyada waxaa u baahan, xaqna u leh in la siiyo qaraabada, masaakiinta iyo musaafirka baahan oo duco iyo wanaagba laga helaa.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Oo sii kan qaraabada ah xaqiisa, iyo miskiinka, iyo tub-ku-joogaha (musaafirka baahan) oo ha u bixin (maalka) si khasaarayn ah.” [Suuradda Israa, Aayadda: 26aad).

Waxaa lagama maarmaan ah in arrimaha guurka (meherka, casuumadda iyo xafladda arooska) lagu daabaqo sida Diinta Islaamku ay qabto oo aan la khilaafin ama lagu xad-gudbin sababta oo ah Ilaahay (S.W.T) waxaa uu mamnuucay ama reebay musrifnimada, mana jecla kuwa hantida ku khasaareeya musrifnimo.

Ragga iyo haweenka wadajirka u qaada heesaha xafladaha arooska iyaga oo garbaha ama gacmaha is-haysta iyaga oo aan is-qabin waa arrin lagu xad-gudbayo anshaxa suuban ee Shareecada Islaamka waana arrin bulshada Muslimka ah u horseedikarta akhlaaq xumo iyo fusuq. Ragga iyo haweenka aan is-qabin waxaa waajib ku ah inaan jidhkoodu is-taaban isla markaana ay u labbisanyihiin sida laga rabo qofka Muslimka ah. Gabdhaha yimaaada xafladaha arooska oo dharkoodu ku dheganyahay oo muujinaya qaab-dhismeedka jidhkooda ama xidhan surwaal gaaban ragga hortooda oo madax qaawan iyaduna waa arrin ka soo horjeeda shuruucda, anshaxa iyo akhlaaqda suuban ee Diinta Islaamka laguna xad-gudbayo xuduudaha Ilaahay (S.W.T). Waa la oggolyahay inuu raggu ka soo qaybgalo arooska oo u dabbaaldego, haweenkuna sidaas oo kale uga soo qaybgalaan oo ugu dammaashaadaan arooska laakiin waa in loo kala soocanyahay si fiican loo asturanyahay oo loo labbisanyahay sida uu jideeyo Islaamku.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Oo u sheeg haweenka Mu’miniinta ah (Nebi Muxammadow) inay indhahooda ka laabaan (eegidda waxyaabaha la reebay sida ragga ay gayaan) oo ha ka ilaashaan xubnahooda taranka (galmada xaaraanta ah ama sinada ah), oo waa in aanay muujin quruxdooda inta muuqata mooyee (wejiga iyo gacmaha), iyo inay daboolaan laabtooda (inay jidhkooda si wanaagsan u daboolaan) oo aanay quruxdooda u muujin cid aan ka ahayn raggooda, aabbayaashood, aabbayaasha nimankooda, wiilashooda, wiilasha nimankooda,walaalahood, wiilasha walaalahood, wiilasha gabdhaha ay walaalahood…….” [Suuradda An-Nuur, Aayadda: 31aad].

Figradda ah soo kiraysiga koox iyo qalabkeeda muusikada si ay uga tunto aroos waa arrin ay reebayso Diinta Islaamku oo loo baahanyahay in la iska ilaasho. Shareecada Islaamka waxaa ay ka soo horjeedaa in maal lagu bixiyo ama lagu khasaareeyo si musrifnimo ah iyada oo qaraabada caruuska iyo caruusadda ama laftoodaba ay u baahanyihiin hantidaas. Arrinta kale ee ah in wiilal iyo gabdho lagu casuumo arooska si ay wadajir ugu ciyaaraan qoob-ka-ciyaarka iyaduna waa arrin lagaga tallaabsanayo xuduudaha Ilaahay (S.W.T) sababta oo ah Shareecada Islaamku ma oggola umana banaynayso inay is-taabtaan oo wada ciyaaraan qoob-ka-ciyaarka maadaama aanay wiilka iyo gabadhu is-qabin waxayna bulshada Muslimka ah u horseedaa akhlaaq-xumo iyo fusuq.

Abu Maalik Ashcari (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Ilaahay (S.C.W) inuu yidhi: “Waxaa ummadayda ka soo dhexbixidoona dad galmada xaaraanta ah, xidhashada xariirta, cabbdidda khamriga, iyo isticmaalka qalabka Muusikada ka dhigta xalaal.” (Saxeex Al-Bukhaari 5590).

Islaamku waxaa uu rag iyo haweenba ka reebaa inay si wadajir ah u qaadaan heesaha si dadban ama toos ahba ka hadlaya ama la xidhiidha galmada ee kiciya hammadda qofka daawanaya ama dhageysanaya. Heesaha noocaas ah waxay raad ama saamayn xun ku yeelankaraan dhageystayaasha aan Iimaankoodu adkayn oo ay u horseedikaraan inay u hammoodaan kuna kacaan macsi ama galmo xaaraan ah. Culimada hore iyo culimada Islaamka ee maantaba waxay aaminsanyihiin in heesaha la xidhiidha galmada amaba kiciya hammadda qofka ay nuxur ahaan la midyihiin samayn macsi ama galmo xaaraan ah waxayna ka soo horjeedaan akhlaaqda iyo anshaxa wanaagsan ee Islaamka. Waxaa muhiim ah in la ilaasho anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka waqtiyada xafladaha aroosyada si Eebbe (S.W.T) u barakeeyo.

Caruuska iyo caruusadda waa inay ogaadaan in marba marka ay sii raacaan ama sii ixtiraamaan ku dhaqanka Diinta Islaamka waqtiga xafladda arooskooda u sii barakoobayo guurkoodu iyo ubadkooduba, siina weynaanyo jacaylka dhexdooda, isla markaana u sii yaraanayo mashaakilka iyo khilaafka ay kala kulmaan. Arooska ugu fadliga badan waa ka ku xidhan cabsida Ilaahay (S.W.T) ee ka fogaada waxyaabaha dembigu ku suganyahay. Waxaa habboon in casuumadda xafladda arooska la sameeyo maalintii oo loo duceeyo caruuska iyo caruusadda, Qur’aanka Kariimka ah lagu akhriyo hoyga cusub ee caruuska iyo caruusadda, fiidkiina loo gelbiyo gurigooda cusub oo lagu booqdo todobaadka arooska.

(Casharka waxaa laga soo qaatay Buugga: HAGAHA NOLOSHA ISLAAMKA Ee Guurka iyo Qoyska)

Diyaariye: Ibrahim Hassan Gagale
April 21, 2022