Qaraxa ka dhacay oogada Cadceeda ee inagu soo waajahan

Qarax ka dhacay meel ka mid ah oogada Cadceeda isniintii aynu soo dhaafnay ayaa sababay in ay soo ganto qayb ka mid ah walaxiheedii oo danabaysan.

Salaasaddii ayuu qaraxaasi soo gaadhay meeraha ugu dhow ee mercery sida ay NASA sheegtay.

Sida Caadiga ah holaca qorraxdu asal ahaan waa mid is haysta oo aan filqamin. waxa kasoo baxaana waa fallaadhaha illayska ee ay innagu soo ganto ee inasoo gaadha iyaga oo soo qaboobay.

markan se way ka duwan tahay oo matterkeedii qaraxu kasoo ganay ayaa dhankeenna kusoo wajahan.

Laakiin waxa la filayaa in aanu inna soo gaadhin isaga oo matter danabaysan ah, balse uu dhexda kusoo beddelmidoono kuna soo qafiifidoono.

Waxa la saadaalinayaa in dhulkeena ay soo gaadhidoonaan mawjado tamarta ah oo ka awood badan intii caadiga ahayd.

Waxa kale oo la aaminsanyahay in aanay sababidoonin khasaare nafeed, balse ay mawjadahaasi khalkhalinkaraan isgaadhsiinta adduunka iyo satalaaytyada.

WQ Sidiiq Maxamed Burmad