Hirdanka siyaasadeed ee ka dhashay qaabka Maraykanku ula macaamilayo Somaliland

USA-Maalmahan waxa bilaabmay in markii ugu horaysay uu dibada u soo baxo hirdan xoogan oo in mudo ah ka dhex jiray hogaanada sarsare ee xukuumada John Biden, hirdankan oo ku saabsan qaabka Maraykanku ula macaamilayo Somaliland.

Hirdanka waxa uu ka soo bilowday istiraajiyada  Gaashaandhiga Maraykanka ee ku aadan Somaliland sanado ka hor.

Markii danbe waxa abuurmay dhinacyo awood badan ku leh hogaaminta Maraykanka oo faham qoto dheer ka qaatay jiritaanka Somaliland in aanu kaliya Dan u ahayn 4 5 milyan ee qof ee ku nool Somaliland balse uu faaiidooyin badan u leedahay guud ahaan bulshada caalamka.

Dhinacyada midigta fog iyo bidixda ayay  argatiyahaasi aad ugu sii xoogaysanayeen in mudo ah, waxana shaanbadii loo baahna si culus ugu dhuftay Madaxwaynaha Somaliland Mud Muse Biixi Cabdi mar uu dabayaaqadii bishii March ku yimid Caasimada Washington D.C.

Dhaqdhaqaaqyo la dareemay iyo shirar argagixisada caalamiga ah ay kaga fal celinayaan isku soo dhawaanshaha Somaliland iyo Maraykanka ayay dadka u dhuun daloola dhinaca amaanku diiwaan galiyeen mudadii uu safarka ku joogay Madaxwaynaha Somaliland Washington D.C iyo kadiba. Halka xubno argagixiso ah jiifay iyo kuwa kaleba go’aansadeen in ay ka guuraan Somaliland oo isaga biiraan Al Shabaab Somaliya iyaga iyo qoysaskoodiiba.

Shiinaha ayaa isaguna dhaqdhaqaaqyo badan oo siyaasadeed oo uu ku diidan yahay Somaliland si xawli leh ugu foogan isagoo isticmaalaya maalgashiyada uu ka wado Afrika iyo lacag cadaan ah.

Xubnaha ugu awooda badan labada aqal ee Maraykanka mawqifyadooda ku aadan in Maraykanku si toos ah danihiisa ugala macaamilo Somaliland waa qaar sida cadceeda u cad waanu ku sii xoogaysanayaa gudaha labada xisbi ee Maraykanka.

Waxa intaa dheer oo cusub in khilaafka Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka u qaabilsan Afrika ee ku aadan Somaliland uu hada banaanka u soo baxay, sababaha ugu waawayn ee keentay iscasilaadaha wakiilada khaaska ah ee Maraykanku u magacaabay Geeska Afrika ayaa dhamaantood waxay salka ku hayaan is afgaran waa soo kala dhexgalay wasaarada oo ku saabsan sidii Somaliland loola shaqayn lahaa oo in si toos ah loola macaamilo ay markasta hortaagan tagay Kaaliyaha Xogahayaha Arimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika.

Sawika hoose waa David Satterfield Ergayga Khaaska ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo 3 bilood kadib iscasilaadiisii u gudbiyay Xogahayaha Dibada Maraykanka
Special Envoy for the Horn of Africa David Satterfield

Qaybta 2aad la soco
WQ saleebaan Xuquuq