Berbera: Masuulliyiinta Dowladda Hoose oo xadhiga ka jaray Faraca 2aad ee Gacal Store

Berbera-(Berberanews)-Maayarka Berbera Cabdishakuir Maxamuud Xasan, ayaa xadhiga ka jaray Farac labaad oo Gacal Store ka sameyney xaafadda Finland gaar ahaan Dibiga Iska Eeg.

Maamulaha Gacal Stores Cabdirisaaq Cabdillaahi, ayaa u mahadceliyay masuulliyiinta kasoo qaybgashay furitaanka Xarunta cusub.

Masuulliyiin kale oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Dowladda Hoose, Ganacsato, maamulka Dahabshiil ee Berbera iyo marti kale ayaa kasoo qaybgashay furitaanka Gacal Store qaybtooda labaad.

“Dhammaan marti sharaftii nagala soo qayb gashey waanu u mahadcelineynaa, si gaara waxaanu mahadcelin sharaf badan u haynaa Mayor Abdishakur M.H Ciddin, xoghaye Suhayb M Cali iyo agaasimeyaasha dawladda hoose. Sidoo kale maamulaha Dahabshiil Bank Saleban C Caddib iyo ganacsade Faysal C Xasan iyo dhammaan martidii karaamada badneyd waxaanu leenahay mahadsanid.”ayuu Yidhi Cabdirisaaq.

Maamulaha Gacal Stores, waxa uu shacabka uvu bushaareeyay inay sameeyeen qiime dhimis bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Ugu danbeyn waxaanu soo dhaweynanaa macaamiishayada sharafta leh oo aanu leenahay alaabtii aad nooga barateen ayaad ka heleysaa faracan cusub.

Waxaanu sameyney qiime dhimis ballaadhan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com