Sarkaal ka tirsanaa Millateriga Somaliland iyo wiil uu dhalay oo shil baabuur ku dhintay

Hargeysa -(Berberanews)-Taliyihii Guutada 116aad ee Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhiisinka Yubbe Kornayl Saleebaan Maxamed Xaaji Nuur iyo wiil uu dhalay ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay degaanka War-idaad ee Gobolka Sanaag.

Meydadka sarkaalka iyo wiilkiisa ayaa galabta aas si wadajir ah loogu sameeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

“Saleebaan Maxamed Xaaji Nuur oo ahaa taliyihii urrurka saddexaad ee guutada 116aad shil baabuur oo dhacay ayuu ku geeriyooday sarkaal kaasi, ALLE  ha u naxariisto ayaanu leenahay”Ayuu sarkaal ka tirsan ciidanka.

Saraakiisha ciidanka ayaa taliyaha ku sifeeyay in uu ahaa nin geesi ah oo shaqo badan.

“Nin howl kar ah, geesi ah oo shaqo badan ayuu ahaa, ALLE  ha u naxariisto, samir iyo imaan ALLE reer Somaliland haka siiyo, ciidankayaga haka siiyo” sidaa waxaa yidhi sarkaal ka tirsan qaybta 116aad ee taliye Saleebaan ka baxay.

Shilalka baabuurta ayaa khasaare naf iyo maalba leh ka gaystay guud ahaan Somaliland sannadkasta, waxaana ugu danbeeyay shil ka dhacay magaalada Burco maalintii Salaasada oo galaaftay nolosha ugu yaraan 2 qof 4 kalena dhaawacyo culus ka soo gaadheen.