Iibka Guriga Cusaama Bin Laadin qoyskiisa ee lagu dhici la’yahay

Warbaahinta caalamiga ah ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay aad wax uga qoreysay sheekada ku saabsan guri uu leeyahay nin ay walaalo yihiin Cusaama Bin Laadin oo la iibinayo.

Qiimaha gurigan, oo ku yaalla meel istiraatiiji ah, ayaa laga dhimay $2 milyan oo doolar, balse wali wax u dhawaada waa la la’yahay, sida uu qoray wargeyska New York Post.

Ibraahim Bin Laadin ayaa markii hore guriga oo lagu magacaabo Bel-Air estate ku iibinayay lacag dhan 28 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Waa dhisme ka kooban toddobo qol oo jiif ah, fadhiyadooda iyo shan musqulood, waxa uu ku yaallaa meel socod gaaban loogu lugeyn karo hoteelka caanka ah ee Bel-Air ee magaalada Los Angeles.

Qiime dhimista guriga la xaraashayo ayaa la sameeyay 26-kii bishii lasoo dhaafay ee January si loo helo dad daneynaya dhismahan oo ku fadhiya dhul leeg 2 acres.

Guriga laga cararay

Ibraahim oo gurigan lahaa ku dhawaad afartan sano, laga soo billaabo 1983-kii, ayaa gurigan ka cararay kaddib markii ay dhaceen weerarradii Mareykanka laga geystay 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii.

Ninkan oo xilligaas dalxiis ugu maqnaa dibadda ayaan dib dambe ugu laabanin Mareykanka, isagoo ka baqayay in lagu badhtilmaameedsado magaciisa labaad.

Waxa uu halkaas in muddo ah kula noolaan jiray xaaskiisii hore, Christine Hartunian Sinay, oo ah haweeney kasoo jeedda Los Angeles, waxayna isu dhaleen hal gabadh oo lagu magacaabo Sibba Hartunian.

Tan iyo markaas, oo ay kasoo wareegtay in ka badan 20 sano, waxaa guriga ka shaqeynayay waardiyeyaal amniga qaabilsanaa, shaqaalaha nadaafadda iyo kuwa jara dhirta.

Lamaanahan ayaa guriga markii hore ku iibsaday lacag dhan $1,653,000, sida ay muujineyso xogta diiwaan gashan ee ay warbaahintu soo xiganayeen.

Gurigan oo la dhisay sanadkii 1931-kii ayaa hadda u muuqda mid aad u dayacan, cid kasta oo iibsatana waxa uu uga baahnaan doonaa dayac tir uu kharash badan ku baxayo.

Sida ay dadka u dhuun daloola xaaladdiisa ku warrameenna, qiimaha lagu iibinayo ayaa ah mid ku wajahan oo kaliya dhulka uu ku fadhiyo, maadaama dhismaha uu qadiimi yahay, cid sidaas ku dageysana aysan jirin hadda.

Adeegyada dheeriga ah ee uu leeyahay waxaa ka mid ah barkad dabaal, beer nasasho iyo waddo weyn oo dhinaca ka saaran.

Inkastoo uu aad u dayacan yahay haddana wali waxaa ku yaalla geedo dhaadheer oo qumbe ah, kuwaasoo u muuqda inay si qurux badan u baxeen.

Sannadihii 1960-meeyadii, gurigan waxaa lahaan jiray soo saarihii Hollywood-ka ee lagu magacaabi jiray Arthur Freed, oo aad ugu caan baxay farsamada heesihii “Singin’ in the Rain” iyo “The Wizard of Oz.”

Ibraahim oo ay hal dhinac oo labada waalid ka mid ah walaalo ka yihiin Cusaama Bin Laadin ayaa ka mid ah carruurta ay tiradoodu tahay 56 ee uu dhalay Maxamed Bin Cawad Bin Laadin oo ahaa ganacsadihii maalqabeenka ahaa ee shirkadaha dhismaha dalka Sacuudiga.

Qoyskan ayaa xidhiidh saaxiibtniimo muddo dheer la lahaan jiray qoyska boqortooyada Sacuudiga.

@Bbc Somali