Qaranimadu Sharci Iyo kala danbayn ayay ku dhisantahay Xaaladkasta oo jirta

Xildhibaanku Waxa Uu Ku Gafay Qodobka.10aad Ee Xeer Lr.51.2012,

Inagoo kawada damqanayna Xaalda abaareed iyo Sixirbarar Hadana masuuliyadu kuma farayso inaad sharciga iska laa,laabto ama aad ku tumato oo caadifadu kaa xoog badato, qarankana qorshuu u baahan yahay ee buuq iyo i arkaay uma baahna.

NIDAAMKA GUUD IYO KALA DAMBAYNTA
Qodobka 10aad Ee Xeer Lr. 51.2012 qodobkani waxa uu ka hadlayaa isku soo Baxyada Ama Banaan-baxyada.

1. Qabanqaabiyeyaasha bannaan-baxyada lagu qabanayo fagaare dadka ka dhexeeya ama u furan dadka oo dhan,

waxaa waajib ku ah in aysoo ogeysiiyaan Duqa degmada, Gudoomiyaha Gobolka ama wasiirka Arrimaha Gudaha, ugu yaraan saddex maalmood ka hor, si loogu ogolaado Waxaa bannaan-bax fagaare ah loo tixgelinayaa xataa shir lagu qabanayo meel fagaare ah, haba lahaado mid cid u gaar ahe, iyadoo la eegayo tirada dadka ka soo qayb gelaya, ujeeddada iyo mawduuca.

Isla farqada Afraad Ee Qodobkan ayaa waxay u dhigantahay sidan

Qodobka.10aad Farqadiisa 4aad Ee  Xeer Lr.51.2012  waxay leedahay Xeerkan loo adeegsanayo kulanada iyo bannaan-baxyada dadweynaha ayaa sidoo kale loo adeegsanayaa socodka dadweynahu waddooyinka ku maraan ee cabasho lagu muujinayo.

Sidaas darteed xildhibaanku xaaladaha dhibaya waa kuwo inawada dhibaya balse muhiimadu waxa weeyaan inuu xilka uu hayaa uu dhibo oo uu xeerarka ilaaliyo,

Wanaagkasta oo aad samaynayso oo aanad xeer u maraynin waxa aad ka dhaxlaysaa dano gaar ah in ay ka muuqdaan

Xaaladan maantuna uma baahna isku soo bax uun waxay u baahantahay hayaan dheer oo qaran, in xukuumada la baraarujiyo waan taagersanahay balse in dadka masaakiinta ah ee gaajoonaya in laysku soo saaro, oo uu khal khal amni  ka dhasho waa waxyeelo labaad, waana Nin qatani nin qado haysta waa inuu ka qaadaa uun, oo suuqa masaakiin kale la boobo uun, waxaana xusid mudan in maanta  dadkeenan gaajoonayaa ay amni yar uun ay haystaan haystaan oo waliba inagoo gaajaysan aynu ku faani jirnay.

Dhacdada noocana ee xldhibaanka waxaa ka dhalanaya anshax marin gollaha u taala waanaynu ka dhur sugaynaa halkay ku danbayso xaaladahan dareenka dadka masaakiinta ah lagaga ganacsanayo.

Garyaqaan. Yuusuf Biixi