Taiwan iyo Somaliland oo ballaadhinaya xidhiidhkooda

TAIPEI —(Berberanews)-Dawladaha Jamhuuriyadaha
Taiwan iyo Somaliland, ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqday inay sii ballaadhinayaan xidhiidhkooda dhaqaale iyo midka siyaasadeed, inkasta oo ay yihiin labada dawladood ee ugu go’doon diblomaasiyadeedka badan caalamka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Kayd, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, wuxuuna sheegay in booqashadiisa Taipei “ay muujinayso go’aanka iyo adkeysiga aan wadaagno ee aan ku ballaadhinayno, kuna dheereyneyno saaxiibtinimadeenna iyo iskaashigeenna oo aan ku gaadhsiinayso heer sare oo faa’iido u wada leh labadeenna dal.”
Madaxweyne Tsai, ayaa ku tilmaantay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland mid ka mid ah guulihii diblomaasiyadeed ugu weynaa ee maamulkeedu gaadhay.
Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’aday 1991-kii, ayaan xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayn inta badan waddamada adduunka marka laga reebo dalal kooban.
Taiwan oo si iskeed ah isku maamusha, balse Shiinuhu sheegto inay ka mid tahay, ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed la leh 14 dal, sidoo kalena waxay xidhiidho aan toos ahayn oo xooggan la leedahay Mareykanka iyo inta badan dalalka caalamka.
Waxay xidhiidh rasmi ah la leedahay keliya hal dal African ah oo ah Boqortooyada Eswatini oo hore loogu yaqiin magaca Swaziland.
Taiwan ayaa safaarad ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa bishii August 2020, halka Somaliland ay xafiis matalaad Taipei ka furtay 9-kii September ee isla sannadkaas.
Taiwan iyo Somaliland-ba aqoonsi kama haystaan Qarammada Midoobay, balse Ciise Kayd, waxa uu sheegay in taasi aanay meesha ka saarayn xuquuqda ay Somaliland u leedahay inay hesho siyaasad arrimo dibadadeed oo madax-bannaan.
“Qaran madax-bannaan ahaan, xuquuqda Somaliland ay u leedahay xidhiidh dibadeed nabad ah oo saaxiibtinimo oo ay la yeelato dhammaan dalalka caalamka waxa lagu ilaaliyey xeerka caalamiga ah,” ayuu Wasiir Ciise Kayd u sheegay wakaaladda wararka Taiwan ee CNA.
Dr. Kayd ayaa hoggaaminaya wefti wasiirro ah oo ka socda Somaliland oo ku sugan Taipei, waxayna labada dhinac ammaaneen iskaashigooda sii koraya ee arrimaha beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada iyo tamarta.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Mr Zhao Lijian oo ku sugan Beijing, ayaa dawladda xisbiga DPP ee Taiwan ku eedeeyey “dab hurin iyo waxyeelleynta madax-bannaanida iyo sharafta dhuleed ee dalalka kale.”
“Tani cidna kama faa’iideyso, waxayna dhalin doontaa inay iyada uun is dhaawacdo,” ayuu yidhi Zhao.