Fannaanka caan baxay ee mar darbi jiifka ahaan jiray

Hobolka Caan baxay ee Cabdiraxmaan Cabdillaahi Nuune, oo loo garan ogyahay (Iidle yare) ayaa sheegay inuu nolosha ka soo billaabay hoos, isagoo ku soo barbaaray Degmada Madiina ee gobolka Banaadir.

Hooyadiis oo aheyd qofka kaliya oo ay nolosha qoyskaasi ku tiirsaneyd ayaa ka shaqeyn jirtay Iskuul la dhaho Baarbe, kaasi oo ay ku gadi jirtay shaah, bajiye iyo waxayaalaha ay ardaydu cunaan marka ay u soo baxaan nusa saacaha iskuulka.

Iidle ayaa sheegay inuusan isaga waligii wax baran, wakhtigii uu yaraana uu caawin jiray hooyadii, madaama kaligii uu ahaa wiilka qoyska. Fannaan Iidle ayaa ka soo jeeda qooys dan yar ah, kuwaasi oo la daala dhacayay quutul daruuriga qooyska.

Fanaanka iyo qoyskiisa

”Aniga wax ma baranin waayo hooyadey ayaan caawin jirtay, waxaad wax baran kartaa markii la deberi karo nolosha, lana gadi karo buugta iyo dharka iskuulka. Hooyo ayaana na biileysay, aabbe wuu xanuusanaa, wuxuuna ka tiirsanaan jiray dowladdii hore ee Soomaaliya”, ayuu yidhi Iidle

Fannaan Iidle oo ku soo barbaaray nolol adag ayaa markii ay hooyadiis geeriyootay u tafa xeytay inuu qoyskiisii kafaalo qaado nolashooda, isagoo hardanka nolosha ka billaabay inuu aado magaalada Boosaaso. Intii uu ku jiray socdaalkiisii uu ka billaabay magaalada Muqdisho ayaa inta uusan gaadhin Boossaaso, wuxuu shaqo ka sii billaabay magaalada Gaalkacayo.

Iidle yare iyo wiilkiisa

”Hooyadey markii ay dhimatay waxaan go’aansaday inaan nolasha wax ka beddelo, aabe ayaa dhabarka iga dharbaaxay, oo idhahay dadkaaga alle ha kaaga dhigo aabe iyo hooyo, laakin markii aan Galkacayo gaadhay waxaan billaabay shaqo inaan raadiyo,” ayuu yidhi.

Intii uu shaqada raadinayay waxaa uu maqaaxi ku taalla Gaalkacayo ka billaabay shaqo heer hoose ah isagoo ka noqday shaqaalaha nadaafadda, balse isala markiiba Biibito ayuu shaqo ka helay, taasi oo uu sheegay inuu ka qaadanayey lacag yar.

Fannaanka ayaa intaasi ay u sii dheereyd “in la garaaci jiray haddii uu bakeeri ka jabo”.

Isagoo taas sharraxaya ayuu yidhi: “Habeenkii marka aan qaadanayo lacagta ayuu jilib iyo feedh ila dhicijiray ninka aan Biibitadiisa ka shaqeenayo”.

Iidle oo gaadhay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in uusan horay ka helin shaqo, balse uu habeenkii seexan jiray kabadhada lagu gado jaadka, kuwaas oo uu ku hoyan jiray markii habeenkii laga rawaxo.

Wuxuu cuni jiray raashiinka haraadiga ah ama hambada laga soo reebo hudheelada cunnada lagu kariyo. Cunnadaasi ayuu u yaqaannay (tigniko).

Muddo kaddib waxaa uu Iidle helay maqaaxi shaaha lagu kariyo, taasi oo uu ka shaqeyn jiray, lacagana uu ka heli jiray in muddo ah. Hase yeeshee wixii xiligaasi ka danbeeyey waxaa u hagaagtay nolasha oo waxa uu noqday fannaan, haddana caan ka ah fanka Soomaalida.

Waxa uu sheegay in waa uu ku shaqeyn jiray rafaad iyo lacag aad u yar balse hadda halki bandhig (show) uu ku shaqeeyo lacag $1,000 doolar ah.

@Bbc Somali