Madaxweyne Biixi oo la Filayo inuu isbeddel weyn ku sameeyo Taliyeyaasha Ciidammada

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu qorshaynayo isbeddel weyn oo uu ku samaynayo taliyeyaasha ciidammada kala duwan ee dalka, gaar ahaan Millatariga, Booliska iyo Sirdoonka Qaranka.
Shabakadda Somaliland Chronicle, ayaa daabacday in Madaxweyne Biixi isku beddelayo taliyeyaasha ciidammada booliska iyo Millatariga. Jeneraal Nuux Taani ayaa laga yaabaa in loo magacaabo Taliyaha Bilayska, halka Maxamed Saqadhi Dabagale oo u  dallacay dhowaan derejada ugu sarraysa ee ciidammada Somaliland la filayo inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo uu hore uga tirsanaa ka hor intii aannu Madaxweyne Biixi u magacaabin Taliyaha Ciidanka Booliska.
Sidoo kale, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland Jeneraal Maxamed Saleebaan (Sablaale), ayaa la sheegay in loo beddelayo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka oo uu hore muddo dheer uga soo ahaa taliye ku-xigeen, halka Sirdoonkana loo dhiibayo sarkaal cusub.
Waxa kaloo wararku  tibaaxeen in isbeddellada Madaxweynuhu ku samaynayo taliyeyaasha ciidammada uu sidoo kale saamayn ku yeelan doono ciidanka Ilaalada Xeebaha, Asluubta iyo Laanta Socdaalka.
Isbeddelka ballaadhan ee la filayo in madaxweyne Muuse Biixi ku samaynayo taliyeyaasha ciidammada, ayaa yimi maalmo kadib markii uu darajooyin sare u dallacsiiyey saraakiil ka kala tirsan qaybaha kala duwan ee ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland.
Hase ahaatee, marka laga yimaad xogta ay baahisay warbaahinta somalilandchronicle.com ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya isbeddellada la sheegay in Madaxweynuhu ku samaynayo taliyeyaasha ciidammada kala duwan ee dalka.