Laascaanood: Lammaane qoys cusub ah oo toogasho lagu dilay caawa

Laascaanood -(Berberanews)-Dabley hubaysan oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoonsan ayaa toogasho ku dilay lammaane qoys ah magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool goordhowey.
Dilka lammaanaha oo la sheegay inay ahaayeen qoys cusub oo isu diyaarinayey xafladda aqalgalkooda, ayaa lagu dilay xaafadda Farxaskule ee magaalada Laascaanood xilli ay ku sii socdeen gurigooda.
Lama oga cidda dilka gaysatay, balse waa dilkii labaad ee noociisa ah oo muddo bil gudaheed ah dablay aan la garanayn ka fuliyaan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Wararka ayaa sheegaya in qoyskan ay aqalgali lahaayeen maalmaha soo socda.
Wixii ka soo kordha falkan naxdinta leh la soco…