Golaha guurtida oo ka Hadlay xal u helista Tuulooyinka Qabiilka ku Dhismaya

Hargeysa -(Berberanees)-Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay arrimaha degaanka, gaar ahaan sidii degmooyinka waddanka loo xakameynlahaa.

Mudanayaashu waxa ay sheegeen in degmooyinka dalku bateen, isla markaana loo baahan yahay in loo sameeyo qorshe degmooyinka lagu xadidayo, laguna daayo inta degmo doorasho ee dalka ka jirta iyo in xukuumaddu la socoto tallaabooyinka lagu hirgalinayo tuulooyinka aan xadka lahayn.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in tuulooyinka batay ay qayb ka yihiin nabaad’guurka ku yimid dhulka xooluhu ku dhaqmaan, iyada oo mudanayaashu xuseen in xukuumaddu dhulka ka masuul tahay isla markaana degmooyinka badan ee dalka ka jira loo baahan yahay in la kala qorsheeyo, waxa koobaad hadda bulshadu ay ku muransan tahayna uu dhulku kow ka yahay.

Dhanka kale waxa ay xuseen in ay bateen tuulooyinka iyo degmooyinka Qabiilka ku dhisan.

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa sheegay in hadda degmooyinka dalku marayaan 101 degmo, halka ay degmo doorashooyinka dalku yihiinbu yidhi 23 waxaanu yidhi.“23 degmo ayuu ahaa waddanku, hadda 101 ayay marayaan waxa waxaa keenayaana waa kan ayaa la siiyay degmo ana isiiya ayuu odhanayaa, 101 degmo waddankeenu ma qaadi karayaa, Qaranimadiina waan jecelahay haddana qabyaaladii ayaa ka xoog badatay, oo degaanada reeruhu sameysteen ee loo tixgalinayo marka waxaan soo jeedinaya in dawladdu ay aad uga fiirsato ansixinta degmooyinka reerka salka ku haya”

Xildhibaan Maxamuud Cali Shire ayaa si cad u qeexay in baloodhkii magaaladu uu gaadhay miyiga iyo dhulkii xoola daaqeenka loona baahan yahay in qorshe laga yeesho.“Korodhkan tuulooyinka waxa sababaya baloodhkii magaalada ayaa miyigii u baxay, marka ay dadkii dhulkii ku hirdameen.

Ubadka imika dhalanaya iyo kuwa waxbartayba haddii ILLAAHEY wax siiyo waxa ay ku soo baxayaan dhulkii oo la haysto, arrintaasina waxa ay noqotay aafo dalka ku habsatay, marka waxaan soo jeedinaya dhulku ama miyi ha noqdo ama magaalo ha noqde in uu gacanta dawladda ku soo noqdo.

Haddaba waxaan soo jeedinaya Kaam hebel iyo tuulo heblaayo waa meel dhul uun lagu ceshanayo ee qorshe halaga yeesho sidii wax looga qabanlahaa”

Xildhibaan Muuse Xaaji Maxamed ayaa sheegay in waxa ugu badan ee degmooyinka badiyay ay yihiin tuulooyinka Qabiilka ku dhisan waxaanu yidhi.“Dawladdu waa in ay maamusha dhulka, aan imika gacanta ugu jirin ee cid kale maamulayso.

Ha qorshaysa dawladdu dhulka halkii beer noqonaysa iyo halkii magaala noqonsa, iyo halkii daaq noqonaysaba, oo taasna qorshaha dawladda haloo daba fadhiisto.

Hala joojiyo tuulooyinkan Qabiilka ku dhisan ee qabiilka lagu dhisayo ee isugu faanka ah, sababto ah jifooyinkii hoose ee magta wada bixinayay ayaa tuulooyinkii ku kala baxay, iyaga oo aan magtii ku kala bixin ayay tuulooyinkii ku kala baxeen, oo laf waliba tuulooyin gaar ah sameysatay, taasina waata fowdada keentay, ee xaalufka keentay, ee nidaam xumada keentay.

Marka waxaan soo jeedinayaa waar tuulooyinkan qabaa’ilka ah ee jufeysan, ee jilibeysan ee hoos u dhaadhacsan, hala joojiyo,” ayuu yidhi xildhibaanku.