Maraykanka oo ergay usoo magacaabay Geeska Africa ka dib ballanqaadkii china

Bishan aynu ku jirno Jan 6 2022 ayuu Xoghayaha maraykanka ee Arimaha dibadu Anthony Blinken magacaabay ambassador David Satterfield oo 40 kii sanadood ee u dambeeyay ku hawlanaa hawlaha maraykanka ee Arimaha dibada.

Ambassador David Satterfield hadda waxa uu ahaa safiirkii maraykanka ee dalka Turkey waxaana u badeli doonaa Jeffrey D. Feltman oo shaqadan hayey sanadkii ugu dambeeyay oo ahaa sanad xaaladaha wadamada Ethiopia iyo Sudan uu ku hawlanaa oo ahaa xaalado adag.

Warbaahinta maraykanka ayaa qaarkood waxa ay qorayaan in ambassador David Satterfield laga soo daba diray hubka iyo Droneska Turkey gu sameeyo ee ay dawlada Ethiopia ka soo iibsato si ay ugula dagaalanto TDF xoogaga difaaca iyo iska caabinta ee Tigray.

Shaqada Ergeyga ee Geeska Africa ayaa ah in uu ka garab shaqeeyo midowga Africa iyo Ergeyga kale ee nabad raadinta loo soo xulay ee Africa Obosanjo olosango,  waxaa aad kale oo uu ku soo beegmay xili uu China ergey Geeska Africa u soo magacaabayo maadaama dano badani kaga xidhan yihiin ka qayb qaata arimaha xalka nabadeed lagaga raadinayo goboloani xasilooni daradu ku badatay .

Dalka maraykanka ayaa siyaasadiisa Gobolka Geeska Africa iyo Guud ahaan ta qaarada Africa ku sameeyey cusboonaysiin sidii uu balanqaaday madaxweynaha maraykanku shirkii hore ee midowga Africa oo uu ka qayb galay fariin muuqaal ah .

Isku soo wada xoori xaaladaha Gobolka Geeska Africa ayaa ah qaar aan xasiloonayn , waxaana sidoo kale jira loolan iyo tartan quwadaha dunidu Gobolka Geeska Africa kaga jiraan oo ay danahooga ku kala jiidanayaan xiligani oo ah mid aad u xasaasi ah.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil