Booliska Columbus oo shaaciyay muuqaalka dilkii Sheekh Maxamed Xasan

Columbus-(Berberanews)-Booliska Columbus ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay muuqaal la xidhiidha dilkii Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaaladaas, sidoo kalena ahaa Xoghayaha Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Ayanna.

Kumuu ahaa Sheikh Maxamed Xassan

Waxa uu ahaa nin hoggaamiye ah, oo dabeecad fiican afgaaban oo sadaqo badan inta badanna arrimaha ijtimaacigaa ka shaqeeya ayuu ahaa. Shiikh Maxamed runtii waxa uu ka baxay umadda soomaaliyeed Jaaliyada Maraykanka iyo Umadda Islaamka ah. Waxa uuu caan ku ahaa in uu dacwadda dadka aan islaamka ahayn gaadhsiiyo maaddaamo uu afaf badan ku hali jirey, sida uu BBC-da horay ugu sheegay Sheekh Cabdalla Abul-Fadli oo ah imaamka masjidka Al-sunna ee magaalada Saint Paul isla markaana ay ahaayeen saaxiibbo dhow Sheekh Maxamed Xasan.

Shiikha ayaa sida oo kale sida ay sheegeen dadka deegaanku waxa uu qayb ka ahaa barnaamijyo dadka baahan cunto lagu gaadhsiinayey inta uu jiray xanuunka safmarka ah.

Halka sida oo kale uu qayb ka ahaa aasaasidda barnaamij ciyaareed oo dhallinyartu ka qayb qaataan oo isugu jirey gubadda gacanta iyo kubadda cagta.

Geeridiisu ayaa ku noqotay mid naxdin leh qoyskiisa iyo Jaaliyadda Muslimiinta ee Columbus.

Ohio waxay martigelisaa Soomaalida labaad ee ugu badan marka laga reebo Minneapolis ee Maraykanka.

Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa ahaa ganacsade caan ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus, OH.

@Bbc Somali