4 sanno ka yar Somaliland waxay horu-kac weyn ay ka gaadhay siyaasadda A. dibadda

Madaxweyne #Muuse Biixi Cabdi waxa u furay xujooyin iyo hal-hidhayaal tiro beela oo taariikhda tan iyo intii ay Somaliland madax-bannaandeeda soo ceshatay aan horrey loogu talaabsan marka la eego ajanddahaas masiiriga ah ee an soo xusay.

Meeqaamyadii loogu qaabilay Gini, Kenya, Jabuuti, Imaraadka Carabta iyo safarkii ugu danbbeeyey ee Ethiopia ayaa caddayn iyo hiraal u ah da’daallada midho dhalka ah ee siyaasadda dibadda ay ka gaadhay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Booqashooyinkii kala danbbeeyey ee Sanetarada Maraykanku ay ku yimaddeen Somaliland, doodda dhex-taala Barlamaanka UK ee lagu gorafaynnayey aqoonsi Britain ay siiso Somaliland iyana waa daaqado saamayn togan oo culus leh, marag cadna u ah sida Somaliland ay ugu sii siqayso shaanbadda ictiraac rasmiya.

Taiwan oo aynu qaddiyaddan wadaagno, sideenna oo kelana iyaga oo aan ictiraac rasmiya helin guulo waaweyn gaadhay inaynu safaarado iyo safiiro
iswaydaarsano xidhiidh diblamaasiyadeed-na joogto u yaalanno waa hal-abuur soo jiitay indhaha caalamka waana qodob kele oo qeexaya fahamka iyo heerka sareeya ee Madaxweynuhu  ka joogo
dublamaasiyadda amuuraha dibadda.

Xilli xasarado amni, siyaasadeed iyo aafada Covid-19 ay Geeska Afrika halakeyeen ayuu Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku hoggaamiyey guulahaas gilgilay Geeska, Gobolka iyo guud ahaan caalamka intiisa kele.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Badhasaabka Gobolka Gebilay..