Somaliland waa inay ka faa’iideeyaan daafaddan siyaasadeed

Siyaasiga Maxamed Xuseen Xaaji Ciise
Dooddii Xildhibaan Gavin Williamson waxa ku jirtay in Ingiriisku aanu shuruud  kaga dhigin Bangladesh go’itaankeedu inuu ku xidhan yahay oggolaanshaha Pakistan oo ah dalkii laga go’ayey.

Waa run oo dalalka reer Galbeedku wax dood ah kamay keeniin go’itaankii Bangladesh,  sababtoo ah iyagaa sidaa rabay si ay ugu daneeyaan dalka Hindiya oo ilaa maanta si dadban u maamusha Bangladesh.

Reer Galbeedku dalka “Kosovo” iyagaa ka gooyey dalka Serbia oo ay ka mid ahayd ilaa iyo sannadkii 2008-dii, iyada oo aanay Serbia ilaa hadda oggolayn madax-bannaanida Kosovo.

Sidoo kale, “East Timor”  iyagaa u ololeeyey inay ka  go’do dalweynaha Indonesia (2002-dii) oo ay ka mid ahayd intii aannu gaar u qabsan gumaystihii Portuguese-ku.

Dalka Koonfurta Suudaan iyagaa u ololeeyey sidii ay u noqon lahayd dal ka madax-bannaan dal-weynaha Suudaan, sidaasaanay dal madax-bannaan 9kii July 2011-kii.

Waxaas oo dhan waxay reer Galbeedku u samaynayeen dano ay ka lahaayeen dalalkaas aynu soo xusnay. Kolkaa waa iska afka baarkiisa sheekada odhanaysa Somaliland iyo Soomaaliya ha ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed ee kala go’a ama wada joogga.

Calaala kulli xaal, reer Somaliland waa inay ka faa’iideeyaan daafaddan siyaasadeed (political momentum) ee hadda ku soo kordhay qaddiyadda aqoonsi raadiska Somaliland.

Siyaasiga Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo ka mid ahaa Xildhibaannadii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Berberanews.com
Info@berberanews.com