Maamulka Muqdisho oo si weyn uga gubtay doodda Baarlamaanka UK ka yeeshay Somaliland

Muqdisho –(Berberanews)-Dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee dalka Soomaaliya, ayaa si weyn uga hinaastay, ugana cadhootay dood Aqalka Baarlamaanka UK ka yeeshay qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland xalay.


Wasiirka Qorshaynta maamulka Muqdisho Mr Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si qaawan oo milgaha siyaasadda ka baxsan, isla markaana cadho badan iyo muraaradillaac weyn ka muuqdo uga gubtay qoraal uu bartiisa twitter-ka dhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaanka Aqalka Barlamaanka UK horgeeyey mooshinka lagaga dooday aqoonsiga Somaliland.


Mr Jamaal oo dhalasho ahaan ka soo jeeda degaannada bariga Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland, balse dhuuni-raacnimo siyaasadeed kula jooga maamulka taagta daran ee Muqdisho, waxa qoraalkiisa ku yidhi; “Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aaddan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceydhiyey shaqadii uu dawladdiisa u hayey, kadib markii uu dusiyey siro la xidhiidha amniga qarankiisa ma aha inuu faragelinayo arrimaha gudaha ee dal madaxbannaan.”
Xildhiaban Gavin oo doodda u soo bandhigay xubnaha Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in la joogo xilligii UK aqoonsan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland.

Berberanews.com
Info@berberanews.com