Farriimaha diblomaasiyadeed ee ka dhashay dooddii Baarlamaanka UK

Marka laga reebo jawaabta diblumaasiyadeed ee uu bixiyay wasiirkii u hadlayay xukuumadda UK, dooddii caawa ka dhacday aqalka hoose (House of Commons) waxa ka soo baxay baaq siyaasadeed iyo farriimo ku socday xukuumadda UK iyo waddamada reer Galbeedka ee ay xulafada yihiin.

Waxay ahayd markii ugu horeysay ee ay aqalka hoose ka dhacdo dood noocaas oo kale ah oo ku saabsan siyaasadda iyo dawladnimada Somaliland.

Dooddii ugu dambeysay ee 2003dii ka dhacday guriga Baarlamaanka waxa lagu qabtay Westminster Hall, waxaana soo qabanqaabiyay Guddiga Arrimaha Horumarinta Caalamiga (Select Committee on International Development), manay ahayn dood gashay diiwaanka ajendaha aqalka hoose oo ay shir-guddoonku daadahaynayeen. Hase yeeshee waxay ahayd dood ay ka soo baxeen natiijooyin wax-ku-ool ah.

Haddaba afkaarta iyo farriimaha maldahan ee ka soobaxay dooddii caawa waxa la odhan karaa waxa kamid ah:

▪︎ In Somaliland ay tahay waddanka keliya ee Shiinaha ka hortaagan Geeska Afrika. Sidaa daraadeed, waa in xukuumadda UK iyo xulafadeedu aanay gacmaha ka laaban karin.

▪︎ In xukuumadda UK ay kaalin hoggaamineed ka qaadato hawsha ictiraaf-raadinta Somaliland, laakiin aan iyada la hoggaamin – weliba in ay eegto dhinaca waddamada Barwaaqo-Sooranka.

▪︎ In dib-u-eegis lagu sameeyo siyaasadda xukuumadda UK ee ku wajahan Somaliland. Arrintani waa muhiim; waayo markii wasiirkii xukuumadda u hadlayay la weydiiyay in uu sheego wakhtigii ugu dambeysay ee dib-u-eegis lagu sameeyay siyaasadda xukuumadda UK ee Somaliland la xidhiidha, wuxuu ku jawaabay “ma garanayo laakiin waan kugu soo warcelin doonaa”.

▪︎ In xukuumadda UK ay aqoonsantahay muhiimadda ay Somaliland u leedahay dhinaca istiraatiijiyadda iyo ammaanka, waayo labada waddan waxa imika ka dhexeeya wadashaqayn iyo in ay Dekedda Berbera maalgelin ku darsadeen, laakiin se loo baahanyahay in xukuumaddu ay waddanka aqoonsato.

▪︎ In Berbera aanay muhiim u lahayn oo keliya ammaanka badeecadaha UK ee halkaa mara, laakiin sidoo kale ay muhiim u tahay ammaanka iyo hoggaaminta xulafadooda Maraykanka iyo Nato.

▪︎ Maadaama ay Soomaaliya ka jirto xasilooni-darro siyaasadeed iyo mid amni, in aanay jirin cid go’aamin karta masiirka Federaalka Soomaaliya oo ay Jamhuuriyadda Somaliland la hadasho. Sidaa daraadeed, wadahadal ay labada waddan yeeshaan waxba soo kordhin maayo.

Si kastaba ha ahaatee, UK iyo xulafadooda reer Galbeedku waxay xusuusanyihiin in waagii Dagaalkii Qaboobaa (Cold War) lagaga adkaaday Geeska Afrika, waayo labadii awoodood (Soomaaliya iyo Itoobiya) ee waagaa Geeska ka talinayay waxay raaceen is-bahaysigii Shuuciyadda. Maanta na waxa horyaalla in ay kala doortaan taageeridda aayo-ka-tashiga bulshada Somaliland ama in ay aqbalaan in Shiinaha oo Ruushka garabka ku haya ay hoggaaminta siyaasadda caalamka u daba-fadhiistaan, waayo ciddii hesha meel ay ka ilaashato badeecadaha u maraya Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa ka talinaysa marinada istiraatiijiyadda ah ee gobolka.

DooddaBaarlamaankaUK iyo #QaddiyaddaSomaliland

Xigasho Abdi Omar Mohamed