UCID oo soo dhoweeyey qaraarka Maxkamadda Sare

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID, waxa uu soo dhawaynayaa qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL.

Qaraarka Maxkamaddu, waxa uu meesha ka saaray dacwaddii xildhibaannada ee Xeerkii muranka badan dhaliyay ee Xeer Lr 14/2021, sidoo kalena waxa uu ayidday xeerkii hore ee Xeer Lr 14/2011 oo horeba xisbiyadu isku waafaqsanayeen.

#Xisbiga_UCID, waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in samaynta iyo wax-ka-beddelka xeerarka dalka ay xaq u leeyihiin Golayaasha Xeer-dejinta oo kaliya, suurtogalna aanay  ahayn in hay’adaha kale ee qaranku ay wax-kabeddel iyo kaabis ku sameeyaan xeerarka dalka.

Xoghayaha Guud Xisbiga Ucid
Sheikh Ibrahin Cabdi Xuseen.