Kenya: Maxaad kala socotaa ‘dahabka cagaaran’ ee la kala boobayo?

Waaxda khudaarta avocado-ha ee Kenya ayaa noqotay mid faa’iido badan leh taas oo keentay in kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan ay bilaabeen inay beegsadaan beeralayda khudaartaas.

Sababtoo ah midhaha hal geed kaliya waxay bixin karaan waxbarashada gaarka ah ee ardayga dugsiga sare sannad dhan – $ 600 (£ 450).

Baahida loo qabo khudaartan ee dalalka Maraykanka iyo Yurub, ayaa muujisay in Kenya ay sannadkii hore kala wareegtay Koonfur Afrika suuqan, oo ay noqotay dalka ugu horreeya qaaradda ee dhoofiya khudaarta avocado-ha.

Kooxo feejigan ayaa hadda la sameeyay si ay u ilaaliyaan dalaggan, oo looga yaqaan dalkan “dahabka cagaaran”.

Kolka uu habeenku saaid u  madoobaadaba beer aad u wayn oo ku taal badhtamaha gobolka Murang’a, lix nin oo dhalinyaro ah oo ku labbisan jaakadaha roobka oo qaro weyn, kuna hubaysan qoryo, baangado iyo budhadh ayaa bilaabaya shaqooyinkooda.

Waxa loo soo kiraystay ilaalinta beerta iyo avokada-an qaaliga ah.

Waa shaqo khatar ah – dadkan waa la dhaawaci karaa oo xataa waa la dili karaa.

“Nasiib darro waa anaga ama iyaga, waana laga maarmaan in aan is difaacno” ayuu mid ka mid ah ii sheegay isaga oo ka hadlaya dhacdo dhawaan dhacday oo lagu dilay nin looga shakisan yahay in uu xaday Avocado.

Milkiilaha beertan, oo qiyaastii ah hal hector iyo badh – ama kala badh cabirka garoon kubadda cagta ah, ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen inuu tallaabo qaado maadaama uu dhibane u noqday tuugtan.

“Waad dayri kartaa beerta oo dhan laakiin taasi ma joojinayso,” ayuu u sheegay BBC-da, isagoo na tusay halka looga soo dhacay

“Waxaad ku bixisaa xilli dhan inaad daryeesho dalagyadaada, ka dibna hal habeen kaliya dhammaan midhahaagii kuu soo baxay ayaa la xadayaa saacado gudahood.”

Mid kale oo ka mid ah kuwa feejigan ee ee u xilsaaran ilaalida beerahan: “Weli waxay isku deyeyaan in ay goostaan oo xadaan dalaggan.”

Waxa uu ka walaacsan yahay sida ay bulshadu u dhibtoon doonto maadaama dadka intooda badan ay ku badbaadaan ganacsigan – in badan oo ka mid ah ayaa u shaqeeya kuwa leh beero waaweyn, halka qoysaska intooda badan ay sidoo kale leeyihiin laba geed oo qoys kastaa kala soo baxo anafcooda.

“Haddii aan seexano, aabayaasheen iyo hooyooyinkeen ma heli doonaan tacabkooda,” ayuu yidhi mid ka mid ah kuwa u xilsaaran ilaalinta habeenkii.

Saacaddooda shaqo ayaa badanaa dhammaada marka waagu beryo.

Avocado-da waxay u badan tahay in ka soo go’do Kenya inta u dhaxaysa February iyo Oktoobar – laakiin tuugadu waxay badgtilmaameedsanayeen midhaha oo gaadhin xiligii ay soo go’i lahaayeen.

Dadaal lagu doonayo in lagu xakameeyo suuqa madow, mas’uuliyiintu waxay soo rogeen mamnuucida dhoofinta avokadhada laga bilaabo Novembar ilaa dhammaadka January.

Laakiin arrintani saameyn yar ayay ku yeelanaysaa dhulkan – dhab ahaantii beeralayda sida kuwa gobolka Murang’a waa inay goor hore goostaan si ay uga badbaadiyaan dalagyadooda kooxaha u taagan dhaca avocado.

Ka fekerka sida ay mustaqbalka u badbaadsan lahaayeen

Gobolka Meru – oo qiyaastii 100km (60 mayl) xiga dhanka waqooyi – xaaladdu aad ayay uga xun tahay.

Tani waxay ka dhigan tahay qaar ka mid ah beeralayda avocado ee halkaas, sida Kinyua Mburugu, ayaa loo oggol yahay inay goor hore goostaan.

Haddaba maalin keliya, kumannaan hektar oo Xasasi ah oo avocados ah ayaa la soo guraa, iyadoo midkiiba lagu iibinayo ilaa 19 shilinka Kenya ah oo u dhiganta 0.17 lacagta Pound.

Avokadhada ayaa la qiimeeyaa si loo hubiyo tayadadeda iyadoo la marinayo xarunta qaybinta deegaanka – sababtoo ah haddii goor hore la soo goosto midhuhu ma bislaan doonaan gabi ahaanba.

Mr Mburugu, go’aanka ah in xilli hore la goosto waxa uu u qaatay si tuugada looga ilaaliyo inay gacanta ku dhigaan.

Laakin mustaqbalka waxa uu damacsan yahay in uu qabqbato budhcadda isaga oo isticmaalaya kombuyuutar uu ka soo iibsaday bulshada iskaashatada avocado ee deegaanka.

Waxa uu ku xidhi doonaa kamaradaha CCTV-ga oo hayn doonaa agagaarka beertiisa 10-acre (4.04-hektar).

Isaga oo ku raaxaysanaya qolka fadhiga, waxa uu damacsan yahay in uu isha ku hayo in ka badan 200 oo geed, oo uu ku caawiyay wiilkiisa farsama-yaqaanka ah, oo ka qalin-jabiyay daraasaadka filimada.

“Wiilkeygu wuxuu ka fekerayaa inuu duuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si aan u helno 24/7 ilaalo beerteena ah” Mr Mburugu ayaa yidhi.

“Miyaanay qaali ahayn?” ayaannu weydiinnay.

“Maya, maya… kaydinta ayaa qiil u noqon doonta wax walba.”

@Bbc Somali