Dp World oo cashuur kusoo rogtay dadka xilli xukuumaddu ayiday Tacriifaddii Dekedda

Berbera-(Berberanews)-Maamulka Shirkada DP World Berbera ayaa labo Dollar kusoo rogtay dadka muruqmaalka iyo cidkasta oo dan u yeelata inay gasho Dekeda Berbera.

Tallaabada DP World qaadday waxay saamayn ku yeelan doontaa dadka shaqaalaha ah sida kastamka Cashuuraha , shaqaalaha dekeda , mukhalasiinta iyo muruqmaalka dekeda Berbera iyo dadka sida joogta ah uga shaqeeya Dekeda.

Tacriifada Dp World

DP World waxay hore usoo saartay tacriifad cusub oo ay kor ugu qaadday adeegyada Dekedda ay maamusho, balse ganacsatada Somaliland ayaa ku gacan saydhay, taasoo dhalisay in 10kii maalmood ee u danbeeyay aan waxba laga cashuuran Dekedda.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku guuldarraysatay inay wax ka qabato cabashada Ganacsatadu ka muujiyeen Tacriifadda DP World, taa bedelkeeda ay ayidday qorshaha shirkaddaasi culayska dhaqaale ku saartay ganacsatada dalka.

Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa sheegay in shir sadeex maalmood uga socday Wasaaradda Ganacsiga iyo wershadaha iyo DP World laysku afgartay in tariifadda cusubi dhaqangal tahay.

“Shir Wasaradda uga socday Wasaaradda maaliyadda, Guddida Ganacsatada iyo boodhka Dekedda Berbera oo doodu ahayd Tacriifadda cusub ee shirkadda Dp World ee Berbera ka hawlgasha, tacriifaddaas oo dadka in badani si qaldan u fahmeen, in kalena si kale u fahmeen.laakiin waxay ahayd wadahadal ay dowladdu ku dhexdhexaadinaysay shirkadda Dp World iyo ganacsatada oo ka cabanaysay in tacriifaddu aad u sarrayso. Heshiiska Somaliland iyo Dp World waxa weeye in Tacriifadda Dekedda Berbera ugu hoosayso dekedaha mandaqadda, taasaa qodob qodob laysu dul taagay waaxana soo baxday inaanay ka sarayn ee ay ka hoosayso.” Sidaa waxa yidhi Maareeye Siciid oo u qiil sameeyay qorshihii DP World.