Diblomaasi Maraykan ah oo ugu baaqay caalamka in Somaliland loo tixgeliyo aqoonsigeedii 1960kii

Washington – Ambassador Tibor Nagy oo hore u soo noqday kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Afrika, sidoo kalena soo noqday danjiraha Maraykanka u fadhiya dalalka Ethiopia iyo Guinea, ayaa waraysi uu siiyay telefiishanka ABC, waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in Jamhuuriyadda Somaliland loo tixgeliyo aqoonsigii la siiyey markii ay xormimada ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1960kii.
Waxa kale oo uu ka warramay sababta ay Midowga Africa iyo Maraykanku u aqoonsan la’yihiin iyo waliba kulan markii uu danjiraha ka ahaa Ethiopia uu la yeeshay Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.
Diblomaasiga, ayaa sharraxaad ka bixiyey taariikhda Somaliland ee lixdankii, xorriyaddii ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, Midowgii ay la gashay Soomaaliya oo ay dawladnimada kaga horraysay iyo sababta ay xilligan u raadinayso aqoonsi caalami ah, iyadoo sannadkii 1960-kii ay heshay aqoonsiga dalalka caalamka.
Ambassador Timbor Nagy waxa uu sheegay in Somaliland oo xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya, 30 sanno ka hor ay xilligan tahay dawlad si madax-bannaan u shaqaysa, laakiin faham-darrada jirtaa tahay in Ururka Midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay ku soo dhaweyn la yihiin inay kuraas ku yeelato, maaddaama ay xaq u leedahay, sidii ay hore ugu heshay aqoonsiga caalamiga ah.
“Anigu ma ahi xeer-ilaaliye Caalamiya, laakiin marka la eego taariikhda Somaliland waxay ahayd dal jira oo sharci ah muddo toddobaad ah, ka hor markii ay Soomaaliya noqdeen laba dal oo midoobay ama isku biiray…” ayuu yidhi Ambassador Timbor Nagy oo u warramay Telefiishanka ABC, waxaannu u soo jeediyey Midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay inay u oggolaadaan in Somaliland ka mid noqoto dawladaha ku midaysan.
“Markaa, waxa aan sheegayaa waxa weeye in la eego waqtigii laga yimi (taariikhda Somaliland) ee ahaa inay heshay xaqiijin caalami ah (oo ah in la aqoonsaday), sidaa darteedna la yidhaa waa sax (qadiyaddaadu) ee ku soo dhowow oo ka mid noqo Midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay, arrintaasi ayaa ah waxa ilaa hadda la la’yahay, waana ta jaho-wareerka ku ridday guud ahaan reer Somaliland,” ayuu yidhi diblomaasiga ruug-caddaaga ah.